|

Murashaxa Dimuquraadiga ee Dalka Maraykanka oo Iftiimisay Baadhitaano ay Hay’ada FBI Ku Hayso Emailadeeda & Maalmaha Kooban ee Doorashada ka hadhay

Washington 02.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Hillary Clinton Waxay sheegeysaa inay ku kalsoon tahay in baaritaanka FBI-da ee email-lada cusub ee la soo bandhigay aysan sababi karin in lagu helo kiis ayada ka dhan ah.

hillaryMusharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga, waxay taageera yaasheeda u sheegtay in baarayaashu ay gaari doonaan gebogebo la mid ah baaritaankii bishii July oo ahaa in la ogaaday inaysan wax qalad sameyn.

Ayadoo ka hadleysay gobolka Ohio, Mrs Clinton, waxa ay sheegtay in FBI-da aysan helin doonin cadeyn lagu dacweyn karo.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo dhexgalay muranka cusub ee ruxay ololaha doorashada ee dalkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in agaasimaha FBI-da, James Comey, uusan isku deyi doonin inuu galaangal ku yeesho natiijada doorashada.

Xoghayaha arrimaha warbaahinta ee Aqalka Cad, Josh Earnest, ayaa sheegay in FBI-da ay u madaxbannnan tahay inay waajibaadkeeda gudato.

Xubin sare oo ka mid ah Dimuquraadiga ayaa si adag u cambaareeyay Mr Comey, kaddib markii FBI-da ay isbuucii aanu soo dhaafnay sheegtay inay baareyso haddii email-lada cusub ee la soo bandhigay ay ku lug leedahay Clinton.

Comments are closed