|

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Wada-hadalo Dhexmaray Maamulka Khaatumo iyo Shir uu Kaga Qeyb-galay Dalka Imaaraadka+ Qeylo-dhaan Abaareed u Diray Shacabka Somaliland DAAWO

Hargaysa 08,Novembar 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo muddooyinkii dambe socdaal ugu maqnaa dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa.
soo-laabashadii-cirroGuddoomiye Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi oo soo guryo-noqoshadiisan uu ku wehelinaayey wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland sida oo kale na ah mas’uuliyiinta ugu sar-saraysa Xisbiga WADDANI Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Madaarka Hareysa ku soo dhaweeyey saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, xubno ka mid ah hoggaanada, guddida fulinta, xildhibbaano, haween, dhallinyar iyo mas’uuliyiin kale.
Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaah Uurcadde oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si diiran dalka ugu soo dhaweynayaan Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
“Aad baanu u soo dhaweynaynaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland sida oo kale ahna guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI iyo weli ba Cabdirisaaq Khaliif oo la socda ba, waxa aanu idin lee nahay soo dhawaada.”Xoghayaha Guud ee WADDANI
Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyey kulan magaalada Adis-ababa ay kula yeesheen hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.
“Muddo hada ku dhow tobaneeyo cisho, waxa aan joogay magaalada Adis-ababa oo aanu ku wada-hadlaynay isku na aragnay wefti ka socda Khaatumo oo uu hoggaaninaayo Dr.Cali Khaliif Galaydh oo ay ka mid ahaayeen xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Khaatumo sida Dr.Cali Ciise Cabdi, Maxamuud Ismaaciil Shabbac iyo Maxamed Mahdi Baayar oo runtii ay wakhtigaas wada joogeen Madaxweynaha iyo xubno kale oo Xukuumadda ka tirsan oo halkaas uu wada-hadal uga furmay, markaa waxa isna shalay nagu soo biiray aniga iyo Maxamed Biixi ba Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, markaa runtii halkaas waxa aanu ku wada yeelanay kulan aad u wanaagsan oo isfaham ah labada yadii dhinac ba.”.Ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif
Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI oo isna ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dalka dib ugu soo laabto ,waxaana uu ka hadlay kulan uu la yeeshay hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo iyo wefti la socday, isaga oo Xukuumadda u soo jeediyey in ay wada-hadaladaas ay la furtay Kooxda Khaatumo ay ka midho dhaliso si loo fidiyo maamulka iyo nabad-galyada Somaliland.
“Waxa farxad weyn noo ah in aanu ku soo nabad-noqono dalkayagii Hooyo oo aanu nimaadno annaga oo nabad-qabna, intaas waxa aan ku darayaa oon ogaysiinayaa dhammaan shacabka iyo cid kasta oo danaynaysa Somaliland iyo saaxiibaddeed ba in aanu xalay Adis-ababa kula kulanay wefti ballaadhan oo ka socday Khaatumo oo uu hoggaaminaayey Hoggaamiyaha Khaatumo Dr.Cali Khaliif Galaydh oo aanu ka wada-hadalnay arrimo badan oo khuseeya Somaliland, markaa marka hore waxa aan jeclahay in aan ku boggaadiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in uu go’aansaday oo Somaliland oo Xukuumaddiisu metelaysaa ay la hadasho oo wada-hadal rasmi ah ay la gasho Khaatumo, waxaanan qabbaa in arrintaas guud ahaan ay dhowr qodob soo dhaweynayso, mid waxa weeye arrinta nabad-galyada Somaliland oo runtii gaar ahaan deegaanaddaas aan Somaliland maamulkeedu weli hada si fiican u wada gaadhin ay suurto-galinayso in nabad-galyaddii ay guntanto oo la xidho haddii guud ahaan uu wada-hadalkaasi uu guulaysto, Xukuumaddu na iyada ayaa qaranka hada ka mas’uul ah, haddii ay keligeed wadayso hawsha oo ay ku filan tahay waanu ku boggaadinaynaa.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa mar kale ka hadlay shir uu dalka Imaaraadka kaga qeyb-galay iyo weli ba sida oo kale codsi kaga dalbaday in ay gacan ka gaystaan abaaraha ka jira Somaliland, waxaana uu yidhi:
“Wakhtigii aan Imaaraadka joogay isna waxa aan ka qeyb-galay shir weyn oo ay ka soo qeyb-galeen 140 wadan, halkaas na arrimaha Somaliland ayaanu aad ugu soo hadal qaadnay, dad badan oo aan la kulmay oo iskugu jirta ganacsato, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale ba in arrinta abaaraha Somaliland laga qeyb-qaato.”.
Ugu dambeyntii, Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu shacabka Somaliland ka codsaday in ay Eebe ka baryaan in uu Raxmaadkiisa u shubo si uu innooga soo qaboojiyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada bariga, isaga oo sida oo kale sheegay in Xisbiga uu si deg-dag ah qeyb laxaadle uu uga qaadan doono taakuleynta dadka abaarahu saameeyeen.
“Marka hore Illaahay baa aynu ka baryeynaa in uu abaarta inaga soo jabiyo isaga uun baana awood u leh, se waxa aan u soo jeedinaynaa dhammaan shacbiga reer Somailand in ay Salaad kasta marka ay tukanayaan ay Alle baryaan si uu Raxmaadkiisa innoogu shubo, annagu naka Xisbi ahaan arrimahaas abaaraha si aada ayaanu uga qeyb-qaadnaynaa Taakuleynta dadka iyo duunyada abaarahu saameeyeen.”..Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaah (Cirro)

Comments are closed