|

Khasaare Dhaawac oo ka Dhashay Gunaanadkii Ciyaartii ay Galabta Guushu ku raacday Xulka Gobolka Daad Madheedh

Hargaysa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Garoonka Ciyaaraha ee Hargaysa Studium Galabta ka dhacay Rabshado ka dhashay Natiijadii Ciyaartii Galabta dhex martay Xulalka Gobolada Daad Madheedh iyo Hawd oo ay Guushu ku raacday Xulka Gobolka Daad Madheedh oo u Gudbay Wareega Afar dhamaadka Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka.

Sida ay Sheegayaan Wararka Hor dhaca ah Waxa Jira Khasaare isugu Jira Dhaawacyo kala duwan  Kadib Markii ay Isku Dhaceen Ciidamada amaanka iyo Taageerayaal ka soo Jeeda Gobolka Hawd oo Ka Cadhaysnaa Natiijada Ciyaartu ku dhamaatay,Ciidamada ayaa adeegsaday Rasaasta rabadhka ah iyo Sunta dadka kaga Ilmaysiisa Inkasta oo Wararka qaar Sheegayaan in Ciidanku isticimaalay Rasaasta Nool oo Dhalisay dhimashada Hal Wiil.

Wararku Waxay Sheegayaan in Tirada Dhaawaca ee la Geeyay Cisbitaalka Guud ay Ku dhawdahay Sodon Ruux Kuwaas oo ay ku Jiraan Tiro ka Mid ah Ciidamada Booliska.

Ma Jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka oo ku saabsan dhacdadan galabta ka dhacday Garoonka.

Wixii Warar ah ee ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Qurbejoog.com

Comments are closed