|

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Gurigiisa Ku Soo Booqday Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Dhaawac Lugta Ka Soo Gaadhay+SAWIRO

Hargaysa 08,Novembar 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa gurigiisa ku booqday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylaci oo u jiifa dhaawac ka soo gaadhay dhinac Midig ee Misigta.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii uu soo booqday Madaxweyne ku xigeenka, waxa uu ka xaal waraystay sida ay wax u soo gaadheen iyo xaalkiisa caafimaad sida uu hada yahay, waxaana uu sheegay in uu wakhti xaadirkan uu aad u fiican yahay.
Murshaxa WADDANI Dr.Cirro, ayaa Alle caafimaad sareecan ah uga baryey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylaci.
vbb vbbb vbbbb

Comments are closed