|

Dadweynaha Maraykanka oo Maanta Safaf u Taagan Sidii ay u Kala Xulan lahaayeen Labada Murashax ee Loolanka Ugu Jira Kooda Geli doona Aqalka Cad

Washington 08,Novembar 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha Mareykanka ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta ayaga oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

hillary-clinton-vs-donald-trumpHillary Clinton oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga iyo Donald Trump oo xisbiga jamhuuriga ah ayaa ku loolamaya doorashada maanta.

Clinton ayaa doorashada maanta ugu yeedhtay “Tijaabada waqtigeena”, halka Trump uu shaaca ka qaaday “Maanta waa maalinta xorriyadeena”.

Labada musharax ayaa hadalladooda ugu dambeeyey ee ololaha doorasho jeediyeey saacadihii ugu horreeyey ee maanta oo talaado ah.

Magaaladii ugu horreysay ee natiijada codbixinta ay kasoo baxdo oo ah Dixville Notch oo ka tirsan gobolka New Hampshire ayaa waxaa ku guuleystay Hillary Clinton oo heshay afar cod, halka Trump uu ka helay laba cod. Magaaladanayaa waxaa ku nool sideed qof kaliya.

Natiijada rasmiga ah ee codbixinta gobol kasta laguma dhawaaqi doono illaa dhammaan goobaha codbixinta ay kasoo xidhmaan sideedda habeennimo ee Xiliga Maraykanka, iyada oo gobollada bari ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya.

Hadalkeedii ugu dambeeyey oo ay ka jeedisay gobolka North Carolina ayaa Clinton waxa ay ku sheegtay inay dooneyso inay madaxweyne u noqoto qof kasta, kuwa u codeeyey iyo kuwa aan codka siin intaba.

Trump ayaa hadalkiisi ugu dambeeyey oo uu ka jeediyey gobolka Michigan waxa uu ku sheegay inuu doonayo in “isbeddel rasmi ah” uu dalka kusoo dabbaalo.

Raga siyaasada Maraykanka Odorsa waxa ay sheegayaan in Hillary Clinton ku guulaysat doonto doorashada iyadoo ka horaysa musharaxa xibiga jamuuriga ah Donald Trump ,Siyaasiyin magac  wayn ku leh Dalka Maraykanka ay taageero wayn u muujiyen Hillary Clinton .

Geesta kalena Doorashada Maraykanka ka qabsoontay ayaa lagu tilamaamay tii ugu xamaasada badnayd. Iyado labada musharax ee ku tartamay   madaxtinimada dalka uu mid kasta ka kale uu marinayay dacaayad iyo fadeexad aan hore laga maqal Musharaxiinti dalka soo martay.

Comments are closed