|

Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga ee Maraykanka Hillary Clinton oo lagu baadhayo Xarunta FBI ee Washington

Washinton 04.July 2016 (SDN/QJ):- Musharaxa xilka Madaxweynaha ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa  hortagtey haaya’adda FBI waxaana la weydiiyey su’aalo la xidhiidha  E-mailkii ay isticmaashey xilligi ay ahayd Wasiirka.

Hillary Clinton and fbiHillary Clinton,  ayaa hore raaligelin uga bixisey in ay isticmaashey  E-mailkeeda gaarka ah iyo Server ay si gaar ah u lahayd xilligii ay ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Baardhtaanka FBI ayaa la xishiidha in ay si khaldan u isticmaashey arrimo sir ah, waxaana uu imaanaya iyada oo todobaadkii hore la ogaadey in weerarkii Benghazi aysan waxba ka ogeyn oo aan  digniin loo soo dirin.

Waraysiga FBI la yeelatey Clinton ayaa gaadhayey 3 saac iyo 30 daqiiqo, waxaana uu ahaa mid ku yimid doonitaankeeda.

Hillary Clinton ayaa sugeysa dhamaadka bishan in loo caleema saaro Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee u tartamaya xilka Madaxweynaha bisha Nofeember, taageerayaasha Bernie Sanders ayaan weli quusan waxayna aaminsan yihiin in Hillary Clinton lagu heli karo denbi taas oo fursad siinkarta Sanders.

Ninka sida weyn uga soo horjeeda ee la tartami doona bisha Nofember Donald Trump ayaa arrinta Emailka ay isticmaashey u ahaa hubka ugu weyn ee uu wax ugu dhimaayo sumcadeeda.

Comments are closed