|

Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga ee Maraykanka Mss Hillary Clinton oo Xaal-marin siisay qoys Muslim ah oo uu u gafay Donald Trump

Washington 01,Aug 2016 – (SDN/QJ): –Haweenayda u sharaxan madaxtinimada Maraykanka Hillary Clinton ayaa shaaca ka qaadday in ninka la loomaya Donald Trump uu noqday nin aa waxba la harayn kadib markii uu jaraaxo gaarsiiyay qoys Muslim ah

Hillary Clinton and Donald TrumpNin Muslim ah oo lagu magacaabo Khizr Khan ayaa kulankii waynaa ee Dimuquraadiga ka dhaleceyay Donald Trump oo ku sheegay nin aan waddanka waxba u qaban isla markaana dastuurka waddankiisa aan waligiis akhrin.

Hadalkaasi ayaa waxaa aad uga carooday Donald Trump oo asagana waraysi uu siiyay ABC ku sheegay in xaaska Khizr Khan oo lagu magacaabo Ghazala Khan ay iska aamusnayd  intii odaygeedu hadlayay maxaa yeelay muslim bay ahayd oo wax ay ku hadasho uma ool meesha.

Muslinimadeeda darteed ayay awodi wayday inay xakamayso dareenkeeda waana iska aamustay.

Labadan lammaane waxay dhaleen nin usoo dagaallamay Maraykanka oo ku dhintay Ciraaq oo lagu magacabo Humayun kaasoo loo aqoonsaday geesi.

Hillary Clinton ayaa sheegtay inay xaal kasiinayso hadalka kasoo yeeray Donald Trump oo u muuqda nin aan waxba la harayn, una muuqda nin aan doorasho dan kalahayn wuxuu rabona sheegaya.

 

Hillary waxay intaa ku dartay in Humayun uu ahaa halyay, waalidkiisna ay meel wanaagsan uga yaallaan Maraykanka

Comments are closed