|

Murashixiinta Xisbiyadda Kulmiye & Waddani oo Ololaha Siyaasadda Isku adeegsaday Hadalo Xanaf Iyo Xajiin Dhalin kara Saamayna ku Yeelan kara Xasiloonida dalka DAAWO

Hargaysa 27. October 2017 (SDN/QJ):- Waxaa soo dhamaaday Wareegii labaad ee Ololaha Siyaasadda doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee Ku astaysan 13-ka Bisha November ee sannadkan.

Wareegii Kowaad ee Ololaha May jirin Wax qadaf ah oo Xisbiyaddu is weydaarsadeen Hasa yeeshee Murashaxa Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maalintii Arbacada isagoo u khudbadaynaya Taageerayaashiisa Gobolka Togdheer Gaar ahaan Magaaladda Burco waxa uu si gaar ah u Weeraray Murashaxa dhigiisa ee xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Cirro oo uu ku eedeeyay inuu Somaliland ku wado Somalia hadii la doorto Waxa uu Muuse Biixi sheegay in Mujaahidiin uu Magacyadooda xusay aanay Luxudka qabanayn inta Murashax Xisbi Somaliland ku wado Somalia.

Qadiyadda uu Murashax Muuse Biixi ka hadlay ayaa ahayd Sababihii dhaliyey Dagaalkii Sokeeye ee Somaliland ka qarxay sannadkii 1994kii.

Dhanka Kale Murashaxa Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Shalay la hadlayay Taageerayaashiisa Gobolka Awdal khaasatan Magaaladda Boorama ayaa si adag uga fal celiyey eedaynta kaga timid Murashax Muuse Biixi Waxa uu Cirro sheegay in Murashaxa Kulmiye yahay Hogaamiyihii ka danbeeyay dhicitaanka dagaalka sokeeye,Waxaa kale oo Cirro Tusaalayaal u soo qaatay dhacdooyin la soo weriyo inuu ku lug lahaa Murashax Muuse Biixi.

Weedhahani waxay Taageerayaasha Xisbiyada ku dhex abuuri karaan Xafiiltan saamayn culus ku yeesha nabada Somaliland ku naaloonayso.

Comments are closed