|

“Muuse Biixi Culimadii iyo Odayaashii Ergada ugu Tegay wuxuu ku yidhi ‘Naagaha iyo Carruurta la Qaxa’..” Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan DAAWO

Burco 27. October 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hagoogta ka qaaday Hadimooyin uu sheegay inay ku xidhiidhsan yihiin Taariikhda Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xirsi waxa uu hal-hal u sheegay qaar ka mid ah Hadimooyinka uu sheegay inuu Muuse Biixi shacabka Somaliland iyo Xukuumadda talada haysa ee maanta dhisaysaba kula kacay iyo inuu ku kacay fal amni-darro oo uu noqday Dagaal-ooge, Somaliland dagaal sokeeye ka riday.

 

Waxa uu Hoggaamiye Xirsi, sheegay inay Maanta Burco Joogaan Culimadii iyo Odayaashii Ergada ugu tegay Muuse Biixi oo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ah 1994-kii oo Burco Safar ku tegay, kuwaas oo uu ku diiday ergadii nabadeed ee ay ula tageen, isla markaana ugu jawaabay hadday rabaan inay Carruurtooda iyo Dumarkooda kala qaxaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo markaa ka dib goob dagaal sannado dhawr ah socday isu rogtay.

“Halkan shalay waakii Muuse ka hadlaaayey ee ummadda ku qaybinaayey waxay u dhigantaa oo i xasuusinaysaa 1994 isaga oo jooga hudheelka Tawali jooga isaga iyo Madax kale oo la socota oo uu Wasiirka daakhiliga yahay ayuu ku dhawaaqay dagaalkii ka dhacay halkan, Waxa u tagay Odayaal waxaa u tagay Culimo waxaa u tagay Ganacsato inataba wuxuu ku yidhi Culimada waad waydiin kartaa Dagaalbaan ka ridaynaaye Orda oo Dumarka iyo Caruurta la Qaxa”

“Muuse wuxuu dafiray Madaxweyne uu la joogo oo dhisaya siyaasadiisii, markii la waydiiyey siyaasadii arrimaha dibada Ictiraafka Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa iyo garashadiisa uun bay muujinaysaa, kamuu hadal Barnaamijka iyo Boolasiga Siyaasadeed ee uu ku hagi doono Dalka”

“Markaanu Kulmiye ahayn ee Wadahadalada ka shaqaynaynay siyaasadii Kulmiye ayaanu ku shaqaynaynay, isaguna waa kii Shaanida ku tuurayey Madaxweynaha ta uu dafirayaa waa tii saddexda gole ee qaranku leeyahay isku raaceen”

“Kulmiye haduu wax bedelayo maantaba wuu joogaayo wakhtiga intii horeba wuxuu kaga dhacay Muuse intii uu Madaxweynaha rifayey ee uu cunaha hayey, intii danbena wuxuu yidhi aniga I raacoo waata wixii dhaqaale dalka lagu horumarinayey isaga loogu kaan bayn garaynayo ee uu ku ololaynayo”

Comments are closed