|

Musharrax C.raxmaan Cirro oo Iftiimiyey Shax-Siyaasadeed uu Ciyaaray oo Xukuumadda Siilaanyo & Xisbigeeda Kulmiye Sida Fiinta uga Qayliyeen!!

Ceerigaabo 18. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee talada dalka Somaliland haysa, ayaa ka gubatay, isla markaana sida Fiinta uga qaylisay Ajande ama Shax-siyaasadeed cusub oo uu ciyaaray Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ka dib markii uu Ciidammada Qalabka sida ee Qaranka Somaliland u ballan-qaaday haddii uu Talada dalka ku guulaysto doorashada dhammaadka sannadkan la filayo inay qabsoonto inuu u dhisi doono Askari kasta Guri, isla markaana Mushaharka ay qaataan u kordhin doono Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton Lacag u dhiganta 250%. Waxaanu Cirro oo Xukuumadda u jawaabay uu ku celiyey ballan-qaadkaas iyo kuwo kale.

Wasiir Ku-xigeenka Xidhiidhka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Jaamac Cabdillaahi Biin iyo Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo labadooduba Warbaahinta kala duwan qaar ka mid ah kula hadlay magaalada Hargeysa ka hor, ayaa muujiyey culayska uu Xukuumadda iyo Xisbigeeda ku yeeshay ballan-qaadka Cirro Ciidammada u sameeyey haddii uu guulaysto inuu u fulin doono oo uu Khamiistii kaga dhawaaqay Munaasibad Laascaanood lagu qabtay oo bilawga qaadashada kaadhka codbixinta lagu shaaciyey, marka naxwaha ama baytul-qasiidka naqdigooda la dhadhansado, waxaanay ku doodeen in uu yahay ballan-qaad olole oo aan fuli doonin, iyaga oo dalbaday in Cirro uu sharraxo halka uu ka keenayo Dhaqaalaha faraha badan ee uu Askari kasta Guri ugu dhisi doono, mushaharkana laba jeer laab iyo badh ugu kordhinayo.

 

Hase-yeeshee, Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo magaalada Ceerigaabo oo ay ku sugan yihiin isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa illaa habeen-hore, ayuu kaga jawaabay sida Xukuumaddu uga qaylisay ballan-qaadkiisaa, isla markaana waxa uu sheegay in ballan-qaadkiisu aanu been ahayn ee uu cad yahay oo uu ku celinayo, barnaamijka-siyaasadeed ee Xisbiga Waddanina ka mid yihiin qorshayaasha uu shaaciyey iyo kuwo kale oo badan oo Dalka iyo Dadka lagu horumarin doono haddii uu Talada qabto oo uu ku guulaysto doorashada 13-ka bisha 11-aad 2017-ka u muddaysan ee Madaxtooyada Somaliland.

 

“Nin Wasiir ah ayaa waxa uu ka hadlayey, ballanqaadkii aannu u samaynay Ciidammada, waan ku celinayaa Ballan-qaadkaas, Annagoo tixgelinayna Askariga Somaliland, Annaga oo og in Isaga iyo Qoyskiisu ay kala maqan yihiin oo Askariguna uu difaac kaga jiro Xuduudaha Somaliland, Qoyskiisana laga yaabo inuu magaalo kale joogo, Annaga oo og in aanay u qaybsamin waxa la siiyo, waxa ka go’aan ah Xisbiga Waddani hadduu guulaysto in Mushaharada Ciidanka la siiyo 250% la kordhiyo.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Cirro.

 

Waxaanu Cirro oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Wasiir-baa lahaa xagay ka keenayaan Lacagta ma Dhulkay iibinayaan, Anigu waxaan isleeyahay Dhul Kulmiye ka hadhay oo la iibiyaa ma hadhine, horta ma Dhul-baad ka tagteen? Bal Kulmiye ha is-weydiiyo inuu Dhul ka tagay iyo in kale. Annagu Dhulka iibin mayno, Daarahana iibin mayno, laakiin Miisaaniyadda Qaranka ayaannu ka siinaynaa Ciidammada Qaranka, haddii Illaahay ka dhigo.”

 

“Waxa kale oo aannu u ballan-qaadnay in Askari kasta aannu Guri u dhisno, Illaahay ayaannu la kaashanaynaa waanannu kaga dhabaynaynaa waanannu dhisaynaa, waxa kale oo noogu jira qorshaha in adeegyo kale oo badan ciidanka loo sameeyo, wuxuunbaa la yidhaa ciidanku waxa uu leeyahay cusbitaal guud, laakiin cusbatal rasmi ah oo ka dhaawacma lagu daweeyo, halkii dibada looga qaadi lahaa, oo qalabkiisu ku filan yahay ayaanu insha alaahu samaynaynaa.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

 

Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in aan Askarta hawlgallada Qaran ku dhimata wax xaq iyo xuquuq ah oo Xukuumadda Kulmiye siisaa jirin, waxaanu yidhi; “Waxa la ii sheegay in Ciidammada kuwa Innaga dhinta aan wax xuquuq ah la siinnin, waxaannu ballan-qaadaynaa in Askariga dhinta Isaga oo dalka difaacaya ama uu Shil ku dhacay oo Gaadhi la dhacay, waxaannu siin doonnaa Xaq reerkiisa iyo Carruurtiisa.”

 

“Waxa kale oo aannu ballan-qaadaynaa reer Sanaag in Waddadii Xirsi bilaabay aannu dhammaystirno, waxa kale oo aannu ballan-qaadaynaa Adeegyo kale oo Barnaamij-siyaasadeedka Xisbiga ku qoran. Dhinaca kale waa la is-tirinayaa oo kaadh qaadashadu waa tiro oo gobolladu way tartamayaan, dee yaan la idinka badin reer Sanaagow.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro oo Shacabka Reer Sanaag ku dhiirrigeliyey inay qaataan kaadhka codaynta doorashada, si ay ribitaankooda ugu dooran karaan cidday u arkaan inay dalka iyo dadka Somaliland hoggaamintooda ku habboon tahay.

Waxaanu intaas raaciyey, inay taageeradooda iyo soodhawaynta ay Weftigiisa u sameeyeen Reer Ceerigaabo iyo deegaanno kale oo isla Sanaag ka tirsani muujinayso in maalinta codayntana ay Waddani is-garab-taagi doonaan, haddii Illaahay idmo.

Comments are closed