|

Musharrax Donald Trump Oo Sheegay Inuu Imtixaami Doono Muslimiinta Mareykanka Gelaysa

Washington 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin adag oo lagu hubinaayo Dadka Muslimiinta ah ee galaaya dalka Mareykanka hadii uu ku guuleysto xilka Madaxtinimada dalkaasi.

trump (1)Trump ayaa sheegay qorshihiisa hubinta Muslimiinta dalka Mareykanka inay tahay inuu ka qaado Imtixaan ku aadan gelitaanka dalka Mareykanka, kadibna qofkii ku guuleysta Imtixaankaasi kaliya inuu galaayo dalkaasi.

 

Waxa uu sheegay inuu dib ka faah-faahin doono nooca uu noqon doono Imtixaanka uu ka qaadayo dadka Muslimiinta ah ee dalka Mareykanka galaayo, balse hada taasi ay tahay qorshaha uu damacsan yahay oo si hor dhac ah uu u sheegay.

 

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Obama, waxaana uu ku eedeeyay isaga iyo Hillary Clinton inay masuul ka yihiin dagaalada ka socda Bariga Dhexe.

 

Trump oo ka hadlaayay dagaalka uu la geli doono Kooxda IS ayaa sheegay inuu xulafo la sameysan doono Dowladaha sida adag kaga soo horjeeda Daacish, waxaana uu ka xusay Ruushka iyo Masar, isaga oo ku dhawaaqay magacyada labadaasi Madaxweyne inuu xidhiidh la sameyn doono.

 

Maalqabeynkan dalka Mareykanka u dhashay ee doonaya inuu qabto hogaanka dalkaasi, ayaa hada u muuqda mid dib uga noqday hadaladii adkaa ee uu ku weerari jiray dadka Muslimiinta ah ee dalka Mareykanka ku nool, xilli uu hore u sheegay in dalkaasi uu ka mamnuucayo dhamaan dadka Muslimiinta ah.

 

Doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhiman waxyar waxaana si aad ah u socda Ololaha ay wadaan Musharaxiintu.

Comments are closed