|

Wasiirka Beeraha Somaliland oo Bar Kuma Taal ka Dhigay Shaqaale Wasaaradiisa ah oo Ka Cawday Lacago laga Jaray Iyo Shaqadii oo laga Saaray

Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):-  Wasaaradda Beeraha JSl Ayaa war qoraala ka soosaaratay eedaymo iyo cabashooyin ay wasaarada u jeediyeen qaar ka tirsan shaqaaleheeda oo loo tabobaraayay xarunta cilmi baadhista ee ABURIIN.

Wasiirka BeerahaWarkan qoraalka ah oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda beeraha Dr Maxamed Awdaahir Ibraahin oo Nuqul ka mid ah ay Heshay Shabakada Qurbejoog ayaa u dhignaa sidan.

Dhawaan waxad maqlayseen ama  ku arkayseen baraha internet(ka) iyo TV(yada) qaarkood cabashooyin iyo eedayn ay soo jeedinayeen shaqaale ka tirsanaa Wasaaraddda Beeraha ee JSL.

Shaqaaluhu waxay soo jeediyeen in:

  1. laga musuqmaasuqay mushaharkoodii shan (5) bilood.
  2. loo qorey waraaq lagu eryey oo shaqadoodii lagu joojiyey.

Shaqaalahni waxay ka mid ahaayeen labaatan (20) qof oo loo tababarayey inay mustaqbalka ka shaqeeyaan xarunta cilmi baadhista Beeraha ee Abuuriin oo Sanduuqa Horumarinta Soomaalilaand ee loo yaqaan SDF uu maalgalinayo oo uu gacanta ku hayo.

Kaalinta Wasaaraddu ku leedahay waa kormeer iyo dabagal in hawluhu sidii loo qorsheeyey u socdaan. Guud ahaan Mashaariicda SDF wado, lama soo mariyo Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay la shaqeeyan wax lacag ah ee iyaga (SDF) ayaa fuliya. Waxanu raali ka nahay mashaariica ay la wasaradda beeraha sida ay u socdaan.

Haddaba shaqaalahan aan ka hadlayno, waxa tababar loogu bilaabay xarunta wasaaradda beeraha ee Hargeysa mudadii loo diyaarinayey qalabka hoyga ay galayaan iyo maacuunka lagu isticmaalayo Abuurin, waxan gunno loo siinayey bishiiba seddex boqol ($300) oo doolar, markii la dhammaystirayna waxa loo raray abuuriin. Waxay Abuuriin ku qaadanayeen:

        mushaharkoodii wasaaradda ay ku lahaayeen oo dhan.

        Cunto la mid ah ta hudheelada shanta xidigood ah (5 stars) oo SDF bixiso.

        Laba boqol ($200) oo doolar oo SDF bixiso oo gunno ah

        Galabnimada Arbacada oo la soo qaado si ay reerahooda ula joogaan lana celiyo aroornimada Sabtida.

        Daryeelkooda caafimaad oo heegan looga dhigay gaadiid si haddii cidi taws dareento dhakhtarada degdeg loogu gaadhsiiyo.

        Waxa laga shaqeeyaa nadaafaddooda oo xattaa sariiraha loo goglo.

        Waxbarasho ay u gudbiyaan macallimiin tartan caalamiya shaqada u galay oo ku guulaystay.

Kormeer caadiya oo aan bishii hore (July 2016) ku soo kormeerey Aburiin ayey shaqaalaha tababarka ku jiraa ku cawdeen in SDF ka goosatay boqol doolar ($100) oo la  siiyo labada boqol ($200) oo doolar, halkii  laga siin lahaa seddex boqol ($300) oo doolar oo musharkooda dheeraad ka ah.

Si aan arrintaa uga jawaab celiyo, ayaan todobaadkii hore ku noqday Abuuriin iyada oo ay ila socdaan:

1)       Madaxa Secretariat(ka) SDF.

2)      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha

3)      Iyo koox ka tirsan Unuga Maaraynta Mashaariicda Beeraha ee SDF la shaqeeya.

Waxay jawaabtii loo celiyey noqotay in markii ay Hargeysa joogeen aan la siin jin cunto, haatanse Abuurrin lagu siiyo cunto oo boqolka ay ka hadlayaan cuntada loogu daray, isla markaa aanay ku jirin miisaaniyadda SDF ee mashruuca beeraha meel lacag kale laga kordhiyaa. Markii ay intaa maqleen ayey shaqaalihii waxbaranayey albaabkii fasalkii aan ku jirnay boobeen oo ay ka baxee isla markaana si anshax darro ah ugu dhufteen miis na horyaalay waraaq ay saxeexeen oo ah inay iska tagayaan.  Waxa isku soo hadhay aniga, madaxdii ila socotay ee qolka lagaga dareeray iyo lix ardayda ka mid ahaa oo garowsaday sidii wax loogu sharaxay. Shaqaalahani dareeray waxay istuseen in SDF ku khasbantahay inay yeesho waxa ay doonayaan mar haddii ay tiro toban (10) gaadhay yihiin oo aan laga maarmi karaynin. Waxa aanay dareensanayn inay  dalka joogan boqolaal dhalin yaro ah oo Jaamacadaha dalka ka soo baxay oo aan nasiib u helin farsadda kooxdani  heshay.

Laba maalmood ka dib waxan jaraaidka u gudbinay xayeysiis ay u soo tartamayaan dhalinyarada cilmiga beeraha baratay ee Soomaalilaand tobankaa (10) jago ee banaanaaday.

Waxa codsi soo qortay boqol iyo laba (102) dhalinyaro ah oo cilmiga beeraha bartay oo maanta imtixaan ku galaya Hay’adda Shaqaalaha Qaranka. Waxa tabarka cilmi baadhista beeraha ee Aburiin loo xuli doonaa tobanka (10) imtixaanka ugu sareeya.

Comments are closed