|

Muuse Biixi iyo Cabdi Xaashi oo qaadkii ku haysta Ina Jabuutaawi iyo Ina Afdiinle

Hargeysa. 24 November, 2022. (QJ)- Muuse Biixi iyo odayga ay isku haybta yihiin ee Cabdi Xaashi ee gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa bilaabay qorshe ay qaadka kaga qaadayaan ganacsatada kala ah Ina Jabuutaawi iyo Ina Afdiinle oo kasoo kala jeeda beelaha Dhulbahante iyo Garxajis.

Qorshahan ayaa loosoo dhiibay laba shakhsi oo kala ah labada beelood ee Sacad Muuse iyo Garxajis iyagoo sita waraaqo sharci u dhigan oo midna uu qoray Muuse Biixi midna uu qoray gudoomiyaha gobolka Sool oo beesha Garxajis kasoo jeeda (Habaryoonis).

Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa Laascaanood iyadoo Ina Jabuutaawi oo deegaanka Sool kasoo jeeda uu wacad ku amray in aanya diyaarad aanay iyagu wadan kasoo degin magaalada Laascaanodo ee gobolka Sool.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland ayaa lagu yaqaanaa in uu ganacsatada ku khasbo in ay saamiyo siiyaan ama lacago dheeraad ah bixiyaan hadii kale ganacsiyadooda laga xanibayo iyadoo shaadhka dawladda la adeegsanayo, waxaana jirta in ay agnacsato badan oo hore arintan Muuse Biixi isku maand haafeen, kuwaas oo qaarkood Somaliland ay ka guureen.

Comments are closed