|

Beesha Caalamka oo u maaro-la’ damaca Muuse Biixi

Hargeysa. 25 November, 2022. (QJ)- Beesha Caalamka ayaa todobaadadii lasoo dhaafay wadday dedaalo ay ugu kala dab qaadayso xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Somaliland iyo mucaaradka.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa hore uga dalbaday mucaaradka in ay hakiyaan tallaabooyinkooda isla markaana ka war sugaan iyaga, balse weli wax war ah kuma soo celin.

Waxa la filayay in ay todobaadkan yimaadaan Somaliland taasina ma dhicin.

Arinta ugu wayn ee dedaalada carqalada ku ah ayaa lagu sheegay Muuse Biixi ii balamaha ka baxaya iyo gar qaadasho la’aan uu ku bilaabay Beesha Caalamka.

Xogo ay heshay warbaahinta Qurbejoog ayaa muujinaya in Beesha Caalamka ay miiska u saaranyihiin tallaabooyin Muuse Biixi ka dhan ah, hadii aanu ka laaban sharci jabinta uu wado, ama aanu ogolaan xal laga gaadho muranka jira.

Comments are closed