|

Muuse Biixi oo in Somaliland iyo Soomaaliya la mideeyo ka dalbaday Ugaandha

Entebbe Sebtember 23, 2023 (SDN)- Uganda ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inay dhexdhexaadinayso dawladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland si loo fududeeyo inay dib u midoobaan, ka dib markii ay kala maqnaayeen muddo soddon sannadood ah.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa aqbalay inuu qaato doorka dhexdhexaadinta, kaddib kulan uu Isniintii la soo dhaafay la yeeshay ergayga gaarka ah ee Somaliland Jaamac Muuse Jaamac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Uganda.

Dr. Jaamac ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Museveni u sheegay in baahi weyn loo qabo in Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u midoobaan, maadaama ay ka maqan yihiin barnaamijyo badan oo horumarineed.

Dr. Jaamac ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka codsaday in uu hormuud ka noqdo isu keenista labada dal maadaama uu door muuqda ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in Uganda ay Somaliland la wadaagto ganacsiga, isaga oo sheegay in Maal-gashadayaasha Uganda ay bilaabaan inay badeecadaha u keenaan Somaliland, isla markaana ay ka iibsadaan badeecadaha aanay haysan.

“Madaxweynaha Uganda Museveni waxa uu aqbalay inuu dhexdhexaadiyo isu keenista Somaliland iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

“Ma taageerno gooni-isu-taagga, sababtoo ah, annaga, waa nala qalad,” ayuu Museveni ku yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo ay ka mid tahay Qaranimo. Waxay inta badan ku naaloonaysay nabad iyo xasillooni iyadoo Soomaaliya ay soo martay dagaallo daba-dheeraaday.

Comments are closed