|

Muuse Biixi oo mowqifkiisa dhabta ah ee Ergada Ganacsatada la wadaagay labada shir gudoon

Hargeysa August 31,2022 (QJ) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la sheegay in ay dhawaan booqdeen shirgudoonka labada aqan ee Baarlamaanka Somaliland, iyaga oo kala hadlay soo jeedinta guddidii dhexdhexaadinta Ganacsatada dalaka.

Shirgudoonka ayaa doonayay in ay ogaadaan mowqifka soo jeedimaha ganacsatada ee lagu xalinayo muranka siyaasadeed ee doorashooyinka dalka.

Madaweynaha ayaa la sheegay in uu ku muusanaabay in ganacsatadu aaney soojeedimahooda kula soo noqon isaga ka hor intii aanay bulshada la wadaagin, sida ay soo weriyeen ilo ka agdhow madaxtooyada.

Muuse ayaa u dheegay shirgudoonka Wakiilada iyo Guurtida in ay faraha kala baxaan arrintan.

Maantana waxa la arkayay in Madaxweynuhu uu khudbadiisii qalinjebinta ardeyda Jaamacada Hargeysa ka sheegay in Ganacsatadu kala tashatay soo jeedintooda ka hor intii aney shaacin.

Isweydiintu waxa ay tahay, maxaa khaldan, madaxweynaha sidan ma ka siyaasad baa? ma xanuunbaa jira aan loo warheyn?.

Si kastaba xaalku dhawaan dhan uunbuu u dhici oo ama mudaharaadyadii baa sii socon ama waanwaanta ayaa la hirgelin.

Comments are closed