|

Garyaqaanka Guud Ee Somaliland oo kasoo horjeedsaday doorasho isku-sidkan

Hargeysa 1 September, 2022 (QJ)- Garyaqaanka Guud Ee Somaliland ayaa ka hadlay soo jeedintii ganacsatada ee ahayd in labada doorasho hal mar la wada qabto, waa doorashada ururada iyo ta madaxtooyada oo Somaliland khilaaf wayni ka taaganyahay.

Cabdisamad Maal ayaa sheegay in aanay arintani macquul ahayn iyadoo doorashada ururadu soo horayso, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Su’aashaa ah doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada  waa laysku sidki karaa, ee garyaqaanadu ka hadleen, waxay tahay in anay israaci karin farsamo ahaan iyo sharci ahaanba” ayuu yidhi Maal. “Sababtoo ah labada doorasho shardi ayay isku yihiin, marka midi dhacdo ayaa mida kale la gali karaa”.

Hadalkan ayaa qayb ka ah jawaabo is daba jooga oo kasoo baxaya xukuumadda Somaliland kuwaas oo ku aadan diidmo cad oo ku wajahan talo soo jeedin shacabka Somaliland ay soo dhaweeyeen oo ah in labada doorasho ee la isku hayo hal mar la wada qabto.

Lama oga meesha uu sal dhigan doono khilaafka siyaasiga ah ee Somaliland, iyadoo xaaladu sii murgaysa imika.

Comments are closed