|

Muuse Biixi oo Reer Abtigii ka cabanaya iyo waxa uu u sheegay

Hargeysa. 2 September, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa ka cabanaya beesha dhashay ama u reer abtiga ah ee Ciidagale, isaga oo cabashadan gaadhsiiyay xubno beesha ka mid ah balse aan wax saamayn ah ku lahayn beesha.

Muuse Biixi ayaa dhawaan hoyga uu ka deganyahay xaafadda Shacabka ee Madaxtooyadu ku taalo kula shiray xubnaha beesha Ciidagale ee xukuumadiisa iyo dad kale oo beesha kasoo jeeda siyaasad ahaana isaga la socda.

Intii uu kulanku socday Muuse Biixi wuxuu muujiyay cabashada xoogan ee uu ka qabo mucaaradada beesha Ciidagale isaga oo sheegay “in cid kasta ay kaga darantahay beesha Ciidagale oo mucaaradad ku wada”, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Muuse Biixi ayaa aaminsan in Ciidagale ay kaga mucaaradad kulul yihiin beesha Habaryoonis taas oo keentay in uu si toos ah ugala hadlo xubno ka socday beesha oo la shiray.

Comments are closed