|

Qudbadii Madaxweyne Muuse Biixi Jaamacada Hargeisa Ka Jeediyay

Qudbadii uu u jeediyay Dufcaddii 19-aad ee ka aflaxda Jaamacadda Hargeisa Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid dhinacyo badan oo yaab badan.

Wuxuu xusay madaxweynuhu inuu sharciga u hogaansamo.

Waxaa kaloo uu xusay in ergo walba uu u qabsoomo.

Waxaase ugu yaab badnayd markuu yidhi Madaxweynuhu isagoo ka waramaya dabkii Suuqa Waaheen oo Maayarka caasimada hargeysa habeen kaas murugo badan muujiyay inuu maalinnimadii dhirbaaxi gaadhay markuu madaxtooyada ugu yimi.

Arintaasi waxay noqotay wax yaalihi ugu hadal haynta badnaa baraha bulshada oo aay ka dhalatay falanqayn badan oo siyaasiya ah iyo mid maad badan. Marka aan usoo noqdo go’aankii ganacsatada iyaga madaxweynuhu si weyn ayuu u amaanay isagoo xusay in dalka Abaar xumi ka jirto isla markaana tilmaamay kuna leexiyay in Ganacsatadu wax ka qaban doonto.

Dhanka doorashada wuxuu xusay Madaxweynuhu inuu diyaar u yahay doorasho kuna qaban doono wakhti geedii oo aanay dib u dhacayn. Doorashadu, Madaxweynuhu Khaliga ayuu dhigay, mana xusin inuu qaatay qodobadii Ganacsatadu Qoraalka ku bayaamiyeen.

Waxaa goobta ka maqnaa oo aan lagu soo marti qaadin labada xisbi qaran ee Ucid iyo Wadani oo burinaysa wax yaaba badan oo aay ku qotontay qudbadii madaxweynuhu

Comments are closed