|

Muuse Biixi oo siyaasaddii Garxajis ku fashilmay iyo xal uu raadinayo

Hargeysa. 20 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu canaantay kooxaha sida dhow ula shaqeeya ee reerkiisa iyo sidoo kale Golaha Wasiirada gaar ahaan kuwa deegaanada Garxajis, isaga oo is beddel degdeg ah raadinaya.

Muuse Biixi ayaa kooxdiisa u sheegay in ay ku fashilmeen siyaasaddii ay u dhigeen beesha Garxajis ee ahayd in ay furtaan ururo siyaasadeed oo badan iyo sidoo kale dhismaha siyaasiga Gaboose si meesha looga saaro Waddani.

Biixi ayaa dalbaday xal degdeg ah oo lagaga gudbo arintan fashilku kaga yimi.

Madaxweynaha Somaliland waxa laf dhuun gashay ku noqotay in uu waayay cid talo ka go’do oo beesha Garxajis ah oo sina uu ku kasbado, iyada oo uu imika galaangal kale wado.

Hore, madaxweynaha waxa ula taliyay siyaasiyiin iyo ganacsato Garxajis ah oo u sheegay in uu teegeero ka helayo isla markaana ay furanayaan ururo balse ma rumoobin.

Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono Muuse Biixi, iyo sidoo kale talooyinka ka imanaya kooxdiisa.

Comments are closed