|

Muuse Biixi oo wada qorshe uu ku gacan saydhayo Beesha Caalamka

Hargeysa. 1 December, 2022. (QJ)- Muuse Biixi, madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Somaliland, ayaa wada qorshe uu ku diidayo isla markaana ku gacan saydhayo Beesha Caalamka oo la filayo in ay sameeyaan soo jeedin ku aadan in la isa saaro labada doroasho ee ururada iyo madaxtooyada.

Muuse waxa uu rabaa in uu gabi ahaanba meesha ka saaro xisbiyada hadda jira marka la agadho 26 December oo ku beegan wakhtiga uu dhacayo liisanka xisbiyada imika jira ee Somaliland, balse sharciyada Somaliland waxay dhigayaan in hay’adaha kala duwan ee qaranka ay bedeli akraan oo keliya hay’ado kale oo la doortay.

Maraykanka ayaa la filayaa in uu keeno cadaadiska ugu wayn kadib Jimcaha oo wefti Beesha Caalamka ka socdaa ay kusoo beegan yihiin Hargeysa.

Muuse Biixi wuxuu marar kala duwan sheegay in aanu sina u aqbalahayn Cirro oo la gala doorashada madaxtooyada isagoo xataa beesha Garxajis u sheegay in ay cid kale oo la tartanta keenaan balse aanu rabin in murashaxaas uu la tartamo, sida ay Qurbejoog u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo u dhuun daloola kulamo uu Muuse la qaatay xubno ka mid ah Beesha Garxajis.

Xal ay keeneen Beesha Caalamku waa rejada kaliya ee la naawilayo iyadoo hadii ay fashilanto dedaaladaasi ay Somaliland gali doonto hubanti la’aantii ugu waynayd abid.

Comments are closed