|

Xogta kulamada Beesha Caalamka ee xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland

Hargeysa. 29 November, 2022. (QJ)- Xubno ka socday Beesha Caalamka ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Somaliland iyo madaxda mucaaradka dalka.

Safiirka Dawladda Denmark oo metelayay dhammaan xubnaha Beesha Caalamka marka laga reebo Maraykanka ayaa la kulmay dhinacyada.

Dhanka xukuumadda, Beesha Caalamku waxay walaac xoogan ka muujiyeen is bed bedelka madaxweynaha Somaliland ee ku aadan balanqaadyada uu sameeyo iyadoo ay ka xumaadeen in uu balamaha ka baxo uguna danbaysay balan qaadyo uu sameeyay maalintii ugu danbaysay ee ah lasoo hadleen.

Dhanka mucaaradka, waxay la wadaageen in ay weli rabaan in doorashooyinku wakhtiga ugu dhakhsaha badan lagu qabto, waxaana ay u sheegeen in ay la tashiyo ka samayn doonaan balamaha madaxweynaha ee beenta noqonaya.

Maalinta Jimcaha ayaa ka filayaa in Wefti kale oo Maryakanku ka mid yahay ay Somaliland soo gaadhaan si ay u cadeeyaan mawqifkooda dhabta ah, waxaana laha war sugayaa Wefti ga imanaya Jimcaha oo kulamo kale oo dheeraad ah la qaadan doona dhinacyada kadib war soo saari doona.

Comments are closed