|

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhex dhintay Xabsi ku yaalla Dalka Sacuudiga iyo Boqolaal kale oo la il daran xanuuno

muwdin

Jeelasha Sacuudiga

Jeddah — Waxaa xabsi ku yaala magaalada Jeddah ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo mudo halkaasi ku xidhnaa.

Muwaadinkaani ayaa la sheegayaa in geeridiisa ay soo dadajisay dayacnaan dhanka daryeelkiisa caafimaad iyo tan guudba, waxa ayna Saraakiisha Xabsiga ku war heleen Muwaadinkaasi oo meyd ah saacado uun kadib.

Muwaadinkaasi geeriyooday ayaa xabsiga ku jiray dhowr bil, waxa ayna Soomaalida dalkaasi joogta kusoo waramayaan in muwaadinkaasi uu u xidhnaa kaliya arin la xiriirta sharciga, waxa ayna sheegeen in laga qariyay geeridiisa balse ay waqti danbe ogaadeen.

Xabsiyada dalka Sacuudiga ayaa waxaa ka buuxa boqolaal Soomaali ah kuwaasi oo isugu jira Rag, Dumar iyo Carruur ay wataan haweenkaasi xidhan, mana jirto cid si gaar ah ugu dacwoota Soomaalida.

Soomaalida xidhan ayaa ah kuwo ku eedeysan sharci la’aan, waxaana qaarkood laga mamnuucaa in dalkooda loosoo musaafuriyo, halka qaarna musaafurintooda ay Dowlada Sacuudiga lasoo degdegto.

Axmed Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Soomaalida dalkaasi ku nool oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Somaalida ku xidhan xabsigaasi ay isugu jiraan 300 oo rag ah, saddex boqol oo dumar iyo 100 kale oo carruur ah.

Axmed, ayaa dareen xun ka muujiyay xaalada nololeed ee Soomaalidaasi waxa uuna cod dheer ku sheegay inaysan jirin cid iska xilsaartay Soomaalida xidhan.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadal muwaadinka kaga dhintay Xabsiga sucuudiga.

Comments are closed