|

Muxuu Daaran Yahay Shir ay Yeelan doonto Beel-weynta Garxajis Xili Madaxweynaha Cusub ee Somaliland uu Kulamo la leeyahay Salaadiinta Beeshaas? DAAWO

Hargaysa 06. December 2017 (SDN/QJ):-Guddida Beel waynta Garxajis ayaa magaalada Hargaysa kaga dhawaaqay iclaaminta shirka ay qabsanaan beelaha Garxajis kaas oo ay ku sheegeen Shirkii Sannadlaha ahaa.

Guddida Beel weynta Garxajis Waxa kale oo madashii maanta ay ka shaaciyeen Xubnaha qaban qaabada Shirkaasi.

Dhanka Kale Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Kulamo gaar gaar ah waxa uu la leeyahay Salaadiinta Beeshaasi kuwaas oo nuxurkoodu yahay sidii loo suulin lahaa Xanafihii ka dhashay Ololihii Doorashadda Madaxtooyadda oo kala qaybiyay Shacabka gaar ahaan Beeshaas iyo Xisbiga Kulmiye.

Comments are closed