|

Muxuu Trump Ka Yidhi Kabaha Madaxweynaha Masar,Muxuuse Donald Trump ku Macneeyey Hubka ay Qadar Maraykanka Ka Iibsanayso?

Riyadh 24. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka maraykanka Donald Trump oo intii uu joogay Boqortooyada Sucuudiga la kulmay Madax kala duwan oo carbeed ayaa si gaar ah waxa uu faallo uga bixiyey kabaha uu gashanaa Madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisii.

Wargayska The Daily mail ee Dalka britain ayaa bogiisa hore ku daabacay warbixin uu ka sameeyey kulankaa gaarka ah ee uu Donald Trump la yeeshay Cabdifataax Siisii waxana uu wargaysku leeyahay Madaxweynaha Maraykanku waxa uu la yaabay nooca kabaha ee uu sito Madaxweynaha Masar, inkastoo aanay warbixintu xusin nooca kabaha ee la yaabka dhaliyey.

‘Runtii Waan jeclaaday kabahiisa, waan ka helay iyaga’ sidaa waxaa yidhi Madaxweynaha Maraykanka oo la hadlayey saxaafadda caalamiga ah oo iyadu baahinaysa kelmad walba oo ka soo baxda afka hogaamiyayaasha caalamka, isla markaana aan u kala eegayn kaftan iyo xaqiiqo.

 

Dhanka kalena Madaxweynaha Maraykanku waxa uu wax ka taabtay hubka ay la soo degayso dawlada yar ee Qatar iyo hadalkii arintaa ku saabsanaa ee Amiirkooda sheekh Tamiim Bin Axmed Al-thani uu ka yidhi , hadalkaas oo ahaa in Qatar soo iibsanayso hub tayo leh oo qurux badan.

 

‘ Hubka Quruxda Badan ee uu Amiirka Qatar sheegay waa runtiisa sababtoo ah waxa uu hubkaasi u qurux badan yahay waxaa sameeya oo keliya Dalka Maraykanka’ sidaa waxaa saxaafadda ka hor yidhi Madaxweynaha Maraykanka oo faallo ka bixinayey kulankii labada hogaamiye ku yeesheen Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga.

Comments are closed