|

Madaxweyne Donald Trump oo u Balanqaaday Raysal Wasaaraha Yuhuuda in aanay Suurto galayn in Iran Samaysato Hubka Nukliyeerka,Muxuuse Ku Yidhi Falastiiniyiinta?

Tel Aviv  24. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa u sheegay Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, in Iiraan aanay weligeed gacanta ku dhigi doonin Hubka wax gumaada ee Nukliyeerka

Madaxweyne Trump oo booqasho lugtii labaad ku jooga Israa’iil isaga oo ka soo kicitimay dalka Sucuudi Arabiya, ayaa dawlada Israa’iil ugu qalbig qaboojiyey in Maraykanku aanu marnaba yeeli doonin in Iiraan ay samaysato hubka Nukliyeerka ee halista badan.

Wuxuu sheegay in reer Iiraan ay doonayaan wax kasta oo ay sameeyaan inay ku helaan hubka Nukliyeerka, iyada oo uu jiro wadaxaajoodkii heshiiska laga gaadhay hubka Nukliyeerka ee sannadkii 2015.

Wuxuu dhinaca ugu baaqay israa’iil iyo Falastiiniyiinta heshiis iyo xasilooni waarta oo ka dhexaysa labada dhinaca, wuxuu labada dhinaca ugu baaqay inay yeeshaan wadahadal fool-ka-fool oo dhexmara labada dhinac. Booqasho laba cisho ah ayuu Trump ku joogi doonaa dalka Israa’iil, taasi oo ka dhigaysa booqashadii ugu horraysay ee uu Madaxweyne Trump ku tegay dalka Israa’iil tan iyo intii xilka loo doortay.

Trump Isaga oo ka hadlaya magaalada Qudus ayuu sheegay inuu heshiis dhexmaray madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Obama iyo Iiraan, kaasi oo ahaa mid cajiib ah, oo ay Iraan ku faa’iiday, balse halkii ay Iiraan ka odhan lahayd mahadsanid ayey bilowday inay taageero cad u muujiso aragagixisada. Wuxuu dusha u saaray inay maalgeliso dad faraha dhiig kula jira oo ay tababarto kooxaha maleeshiyaadka caalamka khatarta ku haya. Ugu dambaytii wuxuu u caddeeyey dawlada Yuhuuda in aanay suurtogal ahayn in Iiraan ay hesho hubka Nukliyeerka.

Waxa kale oo uu booqday gidaarka barakaysan ee ay Yuhuuda ku cibaadaysato.

Sidoo Kale Madaxweynaha Dalka Maraykanka ayaa booqasho qaadatay muddo hal saac ah ku tegay magaalada Baytalaxam ee ismaamulka falastiiniyiinta waxana uu halkaa kula kulmay Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas oo ay shir jaraa’id wada qabteen.
Shir jaraa’idkaasi Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxauud cabbaas waxa uu mar kale ku celiyey inay aqoonsan yihiin dawladnimada Israa’iil, iyaguna dhankooda ay dalbanayaan dawlad falastiin oo xuduudeedu tahay tii 1967, halka sidoo kalena uu dalbaday in la sii daayo maxaabiista reer falastiin ee xabsiyada Israa’iil ku jira.
ugu horayn Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa uu ka hadlay dhacdada qaraxa Magaalada manchestar, waxana uu ka tacsiyadeeyey dadka Maraykanka ah iyo kuwa British-ka ah ee falkaa wax ku noqday.

Waxa uu Donald Trump Sheegay in Loo baahan yahay Sidii Nolosha Dadka Rayidka ahi u Heli lahaayeen Nabadgalyo buuxda ,Madaxweynaha Maraykanka Trump waxa uu sheegay inuu ballanqaad ka haysto maxamuud cabbaas iyo Binyamin nitinyahu kaasoo ku saabsan ka midho dhalinta nabad waarta oo labadaa umadood dhexmarta.
Waxa uu dib u xusay booqashadiisii sucuudiga isagoo si weyn u ammaanay Boqorka sucuudiga, isla markaana sheegay in madaxdii badnayd ee uu sucuudiga kula kulmay ay isla qaateen hoos u dhigida khatarta argagixisada.
Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in isagoo jooga Magaalada baytulaxam uu ilaahay ka baryayo in la wada gaadho nabadgelyo dhammaystiran oo ay ku wada noolaadaan bulshooyinka gobolkaa iyo guud ahaanba caalamka

Comments are closed