|

MW CMC Iyo Munaasabada Soo Dhawaynta Xubnaha Maamulka Cusub Ee Dib U curashada X.D.SH.S.I. Adhisababa

JigJiga, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee X.D.SH.S.I  mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa shalay galab kaqaybgalay munaasabad lagu soo dhawaynayay xubnaha maamulka cusub ee dib u curashada X.D.SH.S.I uu umagacaabay fadhigiisa xarunta dalka ee Adhisababa.

Jigjiga iyo IleyMunaasabadan oo ay ujeedadeedu ahayd mid lagu soo dhawaynayay xubnaha maamulka cusub ee dib u curashada xisbiga iyo isbarashada dadwaynaha ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee X.D.SH.S.I mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, xildhibaanada deegaanka umatala dalka, ganacsatada, ardayda jaamacadaha kaladuwan ee xarunta dalka waxkabarata, dhalinyarada, xubnaha xisbiga, unug hoosaadyada, kooxaha fanka iyo marti sharaf kaladuwan.

 

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo furitaankii munaasabadan kahadlay ayaa sheegay in kulankani yahay kii 2, aad ee xarunta dalka lagula kulmo xubnaha xisbiga isagoo bogaadiyay isbadalka heer korodhka tirada xubnaha ugana mahadceliyay X.D.SH.S.I guud ahaan waxqabadkiisa gaar ahaana waxqabadka muuqda ee xarunta dalka.

Wuxuuna madaxwaynuhu kubooriyay heerarka kaladuwan ee bulshada inay si fiican usoo dhaweeyaan ulana shaqeeyaan xubnaha maamulka cusub ee xisbigu usoo magacaabay isagoo xubnaha kacodsaday inay masraxa soo istaagaan si ay dadwaynaha isu bartaan.

Sidoo kale, Xubnaha maamulka cusub ee dib u curashada XDSHSI laantiisa xarunta dalka ee adhisababa oo munaasabadan kahadlay ayaa isbarasho kadib, bulshada u balanqaaday inay ugu shaqaynayaan si kago’naansho leh. Xubnaha maamulkan cusub oo kakooban 4 xubnood ayaa kala ah sidan:

Mudane Deeq Sheekh Cabdi-gudoomiyaha xarunta dhexe ee X.D.SH.S.I laantiisa Adhisababa

Marwo Muxubo Cali-madaxa arimaha siyaasada

Mudane Shugri Macalin Xuseen-madaxa xidhiidhka dadwaynaha iyo ardayda jaamacadaha

Mudane Cabdi Muuse Carte-madaxa Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya

Ugudanbayna, bulshada deegaanka ee xarunta dalka kunool ayaa dhankooda balanqaaday inay usoo dhawaynayaan ulana shaqaynayaan maamulka cusub ee xisbigoodu usoo doortay si heer sare ah oo ay wadaniyad, daacadnimo iyo xilkasnimo kudheehan tahay.

Comments are closed