|

“Nasiib Daranaa Qaranka Uu Cali Mareexaan Wasiirka u Yahay Iyo Reerka Uu Siyaasiga U Yahay” Cali Guray

Hargaysa 27.July 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Curay ayaa nasiib daro ku Tilmaamay In Cali Maxamed (Cali Mareexaan ) Uu Wasiir ka Noqdo Xukuumada Somalilnad Ee UU Hogaaminaayo Madaxweyne Silaanyo.

Cali MareexaanCali Yuusuf Cali Guray waxa sido kale uu wax laga xumaado ku tilmaamay nasiib darana ku tahay Beesa uu ka soo jeedo ee uu siyaasiga u yahay Sidaasina waxa laga dhadhansanayaa Hadalka Mujaahid Cali Guray in aanu Cali Mareexaan Mudnayn in uu Wasiir Ka noqdo Xukuumada Haatan ka Arimisa Dalka.

Cali Guray Waxa Uu Sidaasi Ku Sheegay Qoraal Kooban Oo Uu Soo dhigay barta Xidhiidhka Bulshada Ee Faceebooka Waxaanu Qoraalkaasi u Dhignaa Sidan :

“ Nasiib Daranaa Qaranka Uu Cali Mareexaan Wasiirka u Yahay Iyo Reerka Uu Siyaasiga U Yahay Alle Haw Sahlo Labadaba”.

Cali Mareexaan oo Hore u ahaa Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Somaliland waxa uu xukuumada Soo Galay Isla Markaana Nasiib u Helay In uu noqdo wasiir Xiligii Ay Xaalada Siyaasadeed Ee Xukuumadu Kacsanyd Ee Uu Iska Casilay Wasiirkii Hore Madaxtooyada Somalilnad Xirsi Xaaji Cali Xasan Iyo Xubno Wasiiro ah Oo Wehelinaayay .

Wasiir Cali Mareexaan Waxay Dadka Inta Badan Dhaliilaa Ku Eedeeyaan in uu ku Tagri Falo Isla markaana ka faro Qabsado Hantida Iyo Cashuuraha Laga Soo ururiyo Bulshada Raydka Ah Ee Somaliland.

Waxaa jirtay in markii wasiir Xirsi uu joogay dhismaha wadooyinka dalka ay tartan ku jireen sidii ay u kal dheerayn lahaayeen, haatana hal wadoo socotaa majirto oo way wada istaageen.

Comments are closed