|

Maxaa Ka Jira in Wasiirkii Hore ee Boosaha Iyo Isgaadhsiintu uu la Jaal Noqonayo Xubnaha Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee Weli Go’aankooda Siyaasi Laalan yahay?

Hargaysa 27.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Somaliland Mudane Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ahaa wasiirrada ugu culus ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xogo warbaahintu heshay waxa ay tibaaxayaa in uu ku biiray Garabka weyn ee Xisbiga KULMIYE ee Is-bahaysiga Dimuquraadiga Xisbiga KULMIYE kadib markii dhawr bilood ka hor xilka wasiirnimo masuulkaasi laga qaaday.

ABGAALWarku waxa uu intaasi ku darayaa in Maxamed Jaamac Abgaal uu fikirkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa siyaasiga ahba la garab joogsan doono Golaha Is-bahaysiga Dimuquraadiga Xisbiga KULMIYE.

Wasiirkan oo ah wasiirkii hore ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abaal oo uu madaxweyne Siilanyo bishii 4 goor danbe oo habeen nimo ah xilkii ka qaadey isaga iyo taliyaha ciidanka Badda ayaa la sheegay in uu hada ka mid yahay siyaasiyiinta isbaheysiga Kulmiye isla markaana uu mowqifkiidii qaatey

Maxamed Jaamac Abgaal ayaa waxaaa uu yahay siyaasi miisan culus ku leh gobalka Awdal oo uu ka soo jeedo isla markaana hadii uu ku biiro siyaasiyiinta isbaheysiga Kulmiye ku biirin doona cudud siyaasadeed.

Comments are closed