|

Nidaamka Maamul Xumo Ee Dalka Oo Gaadhay Heer Wasiir Dhan Oo Lasoo Magacaabay Waayo Xafiis Uu Fadhiisto Iyo Muran Wasaarad Ka Dhaliyey Wasiir Waayay Meel Uu Ka Fadhiisto

Hargaysa 03. October 2016 (SDN/QJ):-Wakhti Xafiisyada Wasaaradaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ceeryoon la yihiin tirada masuuliyiin fara badan oo ku soo baxay liisaskii ugu dambeeyey ee isku shaandhaymaha ahaa inkasta oo aanay hawl-qaybsi shaqo iyo masuuliyaad loo soo cayimay jirin ayaa keentay in ay xataa wasiirro dhammi waayaan goobo ay salka dhigaan ama xafiisyo ka dhigtaan taaso khilaaf ka dhex abuurta wakhtiyada qaar masuuliyiinta wasaaradahaasi waxaana ugu dambeeyey Muran iyo Khilaaf xoog leh oo dhex maray Masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland kadib markii Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaasi Warfaafinta ee uu Madaxweyne Siilaanyo beddel xilkaasi ugu soo magacaabay bishii August isku shaandhayntii ugu dambaysay Mudane Maxamed Axmed Aadan uu wasaaradda Warfaafinta ka waayo xafiis alla xafiis uu fadhiisto.
hhIlo-wareedyo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola Arrinkan layaab leh ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Amar uu ku bixiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani diyaarinta Xafiis uu fadhiisto Wasiiru dawluhu ay keentay in amar lagu siiyo Agaasimaha Waaxda Farsamada ee wasaaradda in uu xafiiskiisa u banneeyo wasiiru dawlaha cusub taasoo iyana sababtay in Agaasimaha farmsada ee Amarka lagu siiyey in uu xafiiskiisa u banneeyo Wasiiru dawluhu isna diido in uu banneeyo xafiiskaasi, arrintaasina keentay in eentay in ay Wasiirka iyo Agaasmihu isku dhacaan sababna u noqoto in furayaashii xafiiska laga wareejiyo Agaasimahaasi Farsamada Axmed Saleebaan Wayne sidoo kalena shaqada laga joojiyo.
Wararka naga soo gaadhaya Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegaya in wali Wasiiru dawlihii xafiiska waayay dibad wareeg yahay oo aannu wasaaradda wax xafiis ah ku lahayn kadib markii loo waayay meel uu fadhiisto masuulkii lagu amray in uu xafiiskiisa u banneeyaana diiday ee uu halkaasi ka dhashay muranka iyo is qabqabsigu. Axmed Saleebaan Wayne oo ah Agaasimaha farsamada ee Wasaaradda ayaa diiday gabi ahaanba in uu xafiiskiisa banneeyo masuuliyadina ka saarnayn wasiirka loo waayay xafiiska inkasta oo shaqadii laga joojiyey furayaashii xafiiskiisana laga qaaday.
Dadka u kuur gala nidaamka magacaabista iyo wasaaradaha dalka ayaa ka dayrinaya magacaabisaha aan qorshaysnayn ee aanay keenin baahi shaqo ee mar walba Madaxweyne Siilaanyo iska soo daba saarayay sannadihii uu xukunka hayay ee ugu dambeeyey taasoo ka dhigtay xukuumaddiisa tii abid ugu badnayd xaga tirada. Nasiib darrooyinka maamul ee jira waxa ka mid ah Wasiiru dawlayaal aan la ogayn waxa ay qabtaan iyo masuuliyadda u taalla toona balse kaliya ay tahay xilal lagu raalli galiyo beelaha. Wasiiru-dawlayaasha iyo xilal badan oo u dhigmaa ayaan lahayn xil masuuliyadeed qoran ama u yaalla ahna waxa loo yaqaano (Term of references TOR) ama mandate ay ku hawl galaan. Kaliyana ah uun mansabyo lagu naas nuujiyo oo lagu mushahar qaato oo aan waxba dalka ugu filnayn.

Comments are closed