|

“Nin Aanu Jabhaddii Wada Ahayn Oo Axmed Mire La Yidhaahdo Inuu Maanta Xoqo Wixii 1994-Kii Hargeysa Ka Dhacay Waa Ayaan-Darro, Sidoo Kale Ninka Buurmadow La Yidhaa ee Boqorka Lagu Sheego…” Xasan Guure

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Muj. Xasan Guure Jaamac ayaa laba jawaabood oo adag midig iyo Bidix Uga kala dhiibay Col.

Axmed Mire Maxamed oo dhawaan hadal uu warbaahinta mariyey ku goodiyey xasillooni darro dalka ka dhacda haddii Doorashada soo socotaa uu ku soo bixi waayo cidda uu taageersan yahay. Iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo isna hadal xanaf leh dhawaan ka jeediyey warbaahinta.

 

Xasan Guure waxaa uu sheegay in ay nasiib darro tahay in hadalladaasi ay kasoo baxaan afkooda rag uu  uhanweynaa.

Xasan Guure waxaauu sidoo kale ka hadlay xaallada kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo sida ay saamaynta taban ugu yeellan karto dawladnimadii iyo qiyamkii qarankani lahaa “Waxaa lays weydiinayaa Somaliland tolow doorashadaas maanta [qabsoomaysa] may kasoo hadhi, mise wey raaci [waayo] dalal badan oo afrika ah oo innagu xeeran marka aad Yemen ka soo bilowdo, Itoobiya waxa ka dhacaya eegto, Kiiniyana u fiirsato, Xamar waxaka dhacayana eegto waxaas burburiyey oodhami waa muran siyaasadeed. Innagu Muranka siyaasadda berigii hore waynu isla meel dhigi jirnay, maantase waxaad moodaa innagoo  dabkaas ku dhex jirna oo weliba ay xaalladeennuna aad iyo aadujilicsan tahay in murankeenu uu intii hore ka badan yahay”.

 

Sidaas ayuu yidhi Muj. Xasan Guure Jaamac oo maalintii shalay qaar kamid ah war fidiyeennada madaxa banaan ee Somaliland ugu warramay magaallada Hargeysa. Md. Xasan Guure waxaa uu sheegay in xaraaradda siyaasiga ah iyo shucuurtuba ay kacsan tahay “Waxaad moodaa in xamaasaddu ay intii hore ka badan tahay, taasina waxa u baahan tahay in dareenkeeda la yeesho oo meel looga soo wada jeesto qarannimada”. Ayuu guddoomiyaha madasha Wada tashigu

 

Geesta kale waxaa uu ka hadlay hadallo xanaf iyo dareen taban abuuray oo kasoo yeedhay rag uu sheegay in loo hanweynaa oo laga filayay in ay u  tudhaan dalkooda iyo dadkooda

 

“waxaa jira iyaguna rag waaweyn oo kuwii ay dadku ku dayan lahaayeen ah  oo aad moodo inay ku degdegayaan in dalkan dagaal ka dhaco…Waxaan akhriyey nin mujaahid ahoo Axmed Mire layidhaahdo oonu jabhaddii wada ahayn wuxuu ku hadlayna waa ayaan darro. Axmed Mire Muddo ayuu aamusnaa in uu maanta sidaas u hadlaana waa ayaandarro inteeda le’eg. Axmed Mire in uuka hadlo dagaal oo uu xoqo wixii 1994-kii Hargeysa  ka dhacay ee Burco ka dhacay ee Berbera 1992-kii ka dhacay”.

 

Sidoo kale Xasan Guure waxaa uu ka hadlay hadal kasoo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) kaasoo uu sheegay in hadalkiisu uur ku taallo ku abuurayo shacbiga “waxaa kaleoo aan arkayay oo aan maalin dhawayd dhegeystay Nin Buur-madow la yidhaahdo oo Boqor lagu sheego oo habeen dhawayd faanayay oo lahaa annaga nalaguma dhaco iyo qolladaasi Baruuryo ayay gacmaha ku sidataa oo way baqanaysaa, hadalkiisaas waanu maqlaynay haddaanu reer Hargeysa nahay waxaananu leennahay annagu Baruuryo gacmaha kumasidano ee nabad baanu kusidanaa aanu diidayno inay naga baxsato……Buur-madowoow Ma taqaannaa Balloodhka Masallaha Hargeysa ku yaallaa inta uu gooyo?….Anigu intaasaan haystaayo dagaal ka dhici maayo Hargeysa.” Ayuu yidhi Xasan Guure.

Comments are closed