|

Sidee Looga Daawaday Doodda Saddexda Musharrax Ee Somaliland Magaalooyinka Soomaalida Ee Geeska Afrika (Jabuuti, Jigjiga, Muqdisho Iyo Gaarisa), Dareenkii Reer Muqdisho, Dooddii Reer Jabuuti Iyo Dardaarankii Reer Gaarisa?

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Soomaalida ku nool Geeska Afrika iyo Guud ahaan Caalamka kaleba ayaa Telefishannada Af-soomaaliga ku hadla si weyn ugala socday Dooddii Musharraxiinta u tartamaysa kursiga Madaxweynenimo ee Somaliland oo Habeen hore ka qabsoontay Caasimadda Hargeysa taasi oo noqotay tii ugu horraysay ee ay isku soo hor-fadhiistaan Musharraxiin u taagan kursiga Madaxtinimo guud ahaan qaaradda Afrika gaar ahaan dawladaha Geeska Afrika oo ay ku jiraan Maamullada ka dhisan Soomaalidu.

Majaalista lagu qayilo, Maqaaxiyaha laga qaxweeyo, Huteellada, Goobaha lagu daawado Telefishannada iyo goob kasta oo dadku ka helayeen daawashada Telefishanka ee Guud ahaan Magaalooyinka Soomaalidu degto ayaa si weyn loogala socday dooddaasi oo marka laga tago dadka reer Somaliland, Soomaalida kale xiiso gaar ah u samaynaysay iyaga oo ku mashquulsanaa falanqaynta doodda Musharraxiinta, doodda Musharrax-kastaa ku wajahayay su’aasha la waydiinayay, u fiirsashada waxa ay Musharaxiintu ku kala duwanaayeen iyo weerarrada wakhtiyada qaar ay Musharaxiintu isku ekeynayeen, iyo waliba sida Musharrax kastaa u arkayay deegaanka ay iyagu ka daawanayaan dooddaasi, tusaale ahaan Soomaalida Jabuuti, Soomaalida Itoobiya iyo Guud ahaan dalka Itoobiya sida dooddaasi loogala socday, Soomaalida Kenya iyo Soomaalida dalkaasi Soomaaliya iyada oo ay xusid mudnaydn aragtida iyo mawaaqifta uu Musharraxa Xisbiga UCID ka qaadanayay aragtidiisa la xidhiidha qaabka uu ula dhaqmi doono dalalka Somaliland jaarka la ah sida Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Wariyayaal ku sugan deegaamada Soomaalidu degto ee Geeska Afrika oo Wargeyska FOORE wax ka waydiiyey sida dooddaasi deegaamadooda looga daawanayay iyo aragtiyaha laga bixinayay ayaanu dhawrkan qodob ka soo qaadanay:

Muqdisho:

Inkasta oo Magaalada Muqdisho ku jirto Toddobaad tacsi iyo murugo ah kadib qaraxii Muqdisho ka dhacay ayaa haddana dhinaca kale dooddii Musharraxiinta Somaliland si weyn looga daawaday.

Dadweynaha reer Muqdisho iyo Masuuliyiinta Maamulkooda ayaa isha ku hayay aragtida Musharaxiinta Somaliland ka qabaan Soomaaliya iyada oo doodda ugu badan ee reer Muqdisho ay la xidhiidhay wixii uu mid walbaaba oo Musharrax ahi kaga jawaabay su’aalihii la xidhiidhay Midnimada Soomaaliya, maamulka hawada, xidhiidhka isu socod ee Somaliland iyo Somalia iyo arrimo kale. Dadweynaha reer Muqdisho waa ay ku kala aragti duwanaayeen maxsuulka doodda Musharaxiinta Somaliland balse waxa ay ka sinnaayeen intooda badani sida ay u jidh-diidayeen dooddii gaar ahaan Musharaxiinta Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi oo iyagu aad ugu adkaa Soomaaliya. “Faysal si weyn ayuu noo xaqiray dawladda Federaalka waxa uu ku sheegay wax aan haba yaraate jirin oo uu isagu Soomaaliya u dhisi doono dawlad, taasi waa dood iyo aragti aan waaqac dhab ah ka turjumayn” sida waxa yidhi Abukaate Muxiyaddiin Sheekh oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho.

Dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa iyana si weyn doodda loogala socday iyada oo arrinka xiisaha leh ee dadweynaha reer Puntland wax iska waydiinayeen noqday sida aanay gabi ahaanba Musharaxiinta Madaxtinimo ee Somaliland aanay usoo hadal qaadin mar kali ah waxa uga meel yaalla Puntland oo ay Somaliland ku murmaan deegaamo ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale waxa ay ka damacsan yihiin siyaasad ahaan sida ay u wajahayaan Puntland oo ah ta iyadu Soomaali ugu soo xigta ee ay xuduudda leeyihiin.

Jabuuti Iyo Dooddii Musharraxiinta:

Maxamed Cumar oo (John) loo yaqaano oo waannu wax ka waydiinay aragtida reer Jabuuti ee ku aaddanayd dooddii Musharaxiinta Somaliland ayaa sheegay in ay dooddaasi ahayd mid dadkii ugu badnaa daawanayeen.

Dhinaca aragtidana waxa uu Maxamed noo sheegay in ay aad uga doodayeen sida ay u kala raacsanaayeen Musharraxiinta iyo sida ay doodda ugu kala horreeyaan iyada oo ay taasi barbar socotay in ay hadal haynta ugu badan reer Jabuuti ka dhiibteen dooddii Musharrax Faysal Cali Waraabe ee la xidhiidhay waxa uu ka yeelayo haddii uu Guulaysto xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti iyo sidoo kale sida aanay labada Musharrax ee kale ee Muuse iyo Cirro aanay badheedhahooda uga dhiibban waxa uga meel yaalla xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti marka laga tago in ay si guud u sheegeen in ay wanaajin doonaan xidhiidhka mandaqadda iyo dalalka jaarka.

Jigjiga:

Dadweynaha reer Jigjiga ayaa si weyn isha ugu hayay dooddii dhex maraysay Musharraxiinta madaxtinimo ee Somaliland iyaga oo telefishannada aad ugala socday. Reer Jigjiga ayaa sida Soomaalida kaleba dareenkoodu ku aaddanaa waxa ay Musharraxiintu ka odhan doonaan deegaamada ay ku nool yihiin ee jaarka la ah Somaliland iyaga oo reer Jigjiga isha ku hayay waxa ay Musharraxiintu ka odhan doonaan xidhiidhada ganacsi, dhaqan dhaqaale iyo bulsheed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca isu socodka iyo ganacsiga iyo waliba dhibaatadii dhawaan ka dhex dhacday Soomaalida iyo Oromada balse aanay Musharraxiintu midna soo qaadin arrintaasi dambe maadaama aanay su’aalaha la waydiiyay ku jirin marka laga reebo su’aasha isu socodka iyo xidhiidhka dalalka jaarka oo ay si guud uga hadleen ugana sinnaayeen muhiimadda ay siinayaan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.

Dadweynaha Woqooyi-bari ee Kenya iyo guud ahaan dalka Kenya ayaa Soomaalida ku nooli iyana aad ula socdeen doodda Musharraxiinta Somaliland waxaana dadkii ka fal celiyey dooddaasi ka mid ah oday Cabadillaahi Cumar oo loo yaqaano Burciid kaasi oo ka mid ah odayaasha reer Gaarisa. Oday Burciid waxa uu wariye Maxamed Kaahiye u sheegay in reer Gaarisa aad ugu faarxsanaayeen dooddaaasi oo uu ku tilmaamay mid ilbaxnimo leh oo ay reer Somaliland Soomaali iyo Afrika oo dhan dheer yihiin isaga oo dhinaca kale ku dardaaray Musharraxiinta in ay isu tanasulaan marka la gaadho natiijada doorashada isaga oo sheegay in nabad gelyada Somaliland u baahan tahay ilaalin iyo in garbaha laga taagnaado.

Isku soo wada duuboo dooddii loo qabtay markii ugu horraysay taariikhda Musharraxiinta Somaliland ayaa reebtay mahadho taariikheed iyo milgo ummadnimo oo shacabka Somaliland taariikhda u galay.

Comments are closed