|

“Nin Madaxweyne Xasan Sheekh ay Ilmaadeer Yihiin ayaa i Dilay ina Dhaawacay,Waxaase Nasiib Daro ah in Madaxweynaha Ku Ilaalinayay Magaalada Jawhar Ninkii Dhiigayga Qubay,Taasina Ma ah Wax Loo Dulqaadan Karo” Weriye C.casiis Africa DAAWO

wariyaha-la-dhaawacayMuqdisho 17.Sep 2016 (SDN/QJ):- Weriye C.casiis Africa oo Warbaahinta Dawlada Somalia u Qaabilsan ka Waranka Dhacdooyinka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab oo Todobaadkii tegay ku dhaawacmay Dagaal dhex maray Laba Kooxood oo ka tirsan Ciidamada Dawlada Federaalka Somalia ayaa Markii Kowaad Wuxuu Faahfaahiyey Khasaaraha ka soo Gaadhay Dagaalkaas oo uu Ku Dhaawacmay.

Waxa uu Weriye C.casiis Africa ku eedeeyay inuu Toogtay Nin ay Ilmaadeer Yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh,Waxaa Kale oo uu Nasiib daro ku Sheegay in Markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Tagay Magaalada Jawhar uu amnigiisa Ilaalinayay Sanay Cabdule oo ah Sida uu Xusay Ninkii ka danbeeyay Shirqoolka lagu sameeyay Iyadoo uu intaas ku daray in laga furtay dhamaanba wixii uu Jeebadaha ku haystay Sida Moobilada iyo Wixii la hal maala.

Comments are closed