|

NISA oo soo bandhigtay Dagaalyahanoka soo goostay Al Shabaab

-Baydhabo April 02, 2024 (QJ) Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa waxay maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed, ay ku soo bandhigtay dhawr qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

NISA ayaa soo bandhigtay 10-qof oo la sheegay in lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay inay ku howlanaayeen arrimo ciidan iyo kuwo siyaasadeed, waxaana raggan ay isku soo dhiibeen NISA xilliyo kala duwan.

Qaar ka mid ah saraakiisha ka soo goostay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ku hungoobeen kooxdaasi, iyagoo sheegay in khilaaf dhexdooda ah uu ka jiro. Waxa ay sidoo kale ku booriyeen xubnaha kale ee Al-Shabaab, gaar ahaan dhalinyarada inay ka soo goostaan ururkaasi.

Dowladda ayaa marar badan ku dhawaaqday in gacanta lagu dhigay shaqsiyaad lagu eedeeyay in ay ku biireen Al-Shabaab, kuwaasi oo la geeyo xarumaha dhaqancelinta ee looga dan leeyahay in ay dib ugu soo biiraan dagaalyahanadii hore ee bulshada.

Comments are closed