|

Nuxurka Go’aan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Somalia kaga Joojiyey Codayntii Shirkii Guud ee Qaramada Midoobay & Sababaha ay Codkeeda Ku weyday

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska Geeska Afrika, ayaa helay qoraal uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Dr. Antonio Guteres,  codaynta shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda New york uu kaga hor istaagayo Soomaliya iyo saddex wadan oo kale.

Qoraalka uu xogyaha guud qoray oo ku taariikhaysan 7 September, wuxuu u diray madaxweynaha xilligan ee golaha guud ee Qaramada Midoobey, isagoo ku wargeliyay in afar Waddan oo ay Soomaaliya ku jirtaa xaq u lahayn inay codeeyaan, maadaama oo lagu leeyahay lacagtii qaadhaanka ahayd ee ku waajibtay.

 

Warqad ku taariikhaysnayd bishan Sabtembar 9-keedii 2017 oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uu u diray madaxweynaha xilligan ee Jimciyadda guud ee Qaramada Midoobey, waxa uu ku wargeliyey laba qodob:

  1. Hadda afar dal oo qaramada Midoobey ka tirsan waxaa qabanaya qodobka 19 ee xeerka ay qaramada Midoobey ku dhisantay; kaas oo dhigaya in xubinta ka tirsan Qaramada Midoobey ee dib u dhac ku yimaaddo qaadhaanka ku waajibay in ay Qaramada Midoobey siiyaan, cod kuma yeelan doonaan Jimciyadda guud ee Qaramada Midoobey, haddii xaddiga lacagta ku baaqatay ay le’eg tahay ama ka badan tahay xaddiga lacagta ku waajibaysay in uu bixiyo labadii sano oo buuxa.

Iyada oo ay taasi jirto haddana, Jimciyadda guudd waxa ay xubintan (Xeerku codaynta ka hor istaagay) u fasixi kartaa in ay codayso, haddii ay jimciyadda guud ku qanacdo in sababta uu dalkani lacagta qaadhaanka ah u bixin waayey ay la xidhiidho xaalad iyo duruufo ku yimid oo aanu dalku waxba ka qaban karin.

  1. Lacagta ugu yar ee ay qasab tahay in ay bixiyaan dalalkan qaadhaanku ku baaqday si lacagaha ku baaqday loo yareeyo oo ay u hoos marto qaddarka uu xeerku xaddiday ee ah in aanay lacagtu gaadhin ama ka badan intii laba sano uu dalku bixin lahaa (2015 iyo 2016) waxa ay noqonaysaa sidan hoos ku cad:
  2. Soomaaliya 1’354’435 (Hal Milyan, Saddex boqol iyo konton iyo afar kun, iyo afar boqol iyo soddon iyo shan doolar)
  3. Comoros 876’418 (Siddeed boqol, toddobaatan iyo lix kun iyo afar boqol iyo siddeed iyo toban doolar)
  4. Guinea-Bissau 46’ 439 (Afartan iyo lix kun, afar boqol iyo soddon iyo sagaal doolar)
  5. Sao tome and Principe 779’939 (Toddoba boqol iyo toddobaatan iyo sagaal kun, Sagaal boqol iyo soddon iyo sagaal doolar)

Geesta kale, waxa dawladda Soomaaliya shirkan u metelaya raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre iyo wefti uu hoggaaminayo, kuwaas oo aan weli ka hadal arrintan.

Comments are closed