|

Nuxurka Khudbad Murashax C.raxmaan Cirro u Jeediyey Kumanaan ka Mid ah Shacabka Caasimadda ee Taageersan Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 23. October 2017 (SDN/QJ):-Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa waxaa isugu soo baxay Taageerayaal Tiro badan Waxaana Halkaasi Khudbad uga Jeediyey Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro & Madax kale.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa u mahadceliyay taageerayaasha guud ahaan gobollada dalka isugu soo baxay “Waxaan idiinka mahadcelinayaa in aad cadceedda taaggan tihiin saacado badan una dul qaadateen cadceedda aad taaggan tihiin. Waxaan doonayaa in aan la hadlo shacbiga Somaliland ee caasimadda Hargeysa, waxaan u diraya dadweynaha Somaliland aqlabiyadda shacbiga isbedel doonka ah ee meel kasta oo dalka ah bannaanada u taaggan muujinta dareenkooda. Maanta waa maalintii saddexaad ee ololaha doorashada. Maanta oo Isniin ah waxay bilaw u tahay bannaan baxyada badbaadada Qaranka, waxay kaw u tahay shacabka rajo doonka ah, waxay kow u tahay dib u soo noolaynta ididiilada dalka , waxay kaw u tahay daawaynta isbedel doonka ee xisbiga shacabka  ee rajada shacbigu ku midoobay. Maanta waa dharaar shacbigu kala dooranayo mustaqbal iyo meel la’aan, waa dharaar aynu hiil u doonayno Qaran ina wada deeqa, waa dharaar aynu ka hiilin doono kala qoqobka codka la idinkaga doonayo,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Comments are closed