|

Nuxurka Khudbad Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somalia ka Jeediyey Shirkii Golaha Qaramada Midoobay ee New York DAAWO

New York 23. September 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay khudbada dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyaay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada NewYork ee Dalka Mareykanka isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaarah Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga ahdlay dhinacyada, ammaanka,siyaasadda,dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Shabaab,arrimaha bani’aadanimada,isagoo taageero dheeraad ah ka dalbaday Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in dalkiisa laga qaado xayiraadda saaran ee dhinaca hubka ah,si Dowladdu ay uga guulesato dagaalka ka dhanka ah koooxaha Argagixisada oo khatar ku ah horumarka Dalka.

“Soomaaliya waxay soo martay oo waayo joog unoqotay, colaado,abaaro,macluul iyo amni xumo, marka waxaan fahamsanahay amiyadda ay nabaddu leedahay, Dalka Soomaaliya haatan horumar ayaa ku sii talaabsanaya”,Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu soo hadal qaaday aqabado uu sheeegay in ay ka hor gudban yihiin Dowladda Soomaaliya,taasi oo u baahan in Dowladda laga caawiyo.

“Waxaa jira caqabado ku hor gudban Dowladda oo ah dhaqaale xummo,waa ay adagtahay in laga gudbo aqabadahaasi hadii aan loo heli taageero dhaqaali iyo maalgashi Caalami ah,argagixisada ayaa ah aqabadda ugu weyn ee dalka haysata,sida ururada ISIS iyo Alqaidada loona baahan yahay in wax laga qabto”,ayuu intaasi ku daray Raiisul Wasarae Khayre.

Khudbadiisa oo dhinacyo badan taabanaysay ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ku aadan dhismaha ciidan Qaran balse aqabadda jirta ay tahay xayiraadda Hubka ah ee saaran Soomaaliya,taasi oo uu ka dalbaday Caalamka in Soomaaliya laga qaado cuno qabatayntaasi, si loogu guuleysto xasilinta Dalka,isagoo Amisom uga mahad naqay guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Dowladda Federaa;lka Soomaaliya ayuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre in ay fursada siisay dhalinyarada iyo haweenka in ay ka qeyb qaataan hanaanka Dowlad nimo iyo hogaaminta dalka,isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Alla ha unaxriistee Wasiir Cabaasi C/llaahi SHeekh Siraaji oo ahaa Wasiir dhalinyaro ahaa,taasi oo uu ku sheegay in ay muujinayso in Dowladdu ay ka qeyb gelinayso dhalinyarada iyo haweenka dhismaha Dowladnimada.

Abaaraha soo noqnoqday iyo waxbarasho la’aanta ayuu ku sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen dhibaatooyinka dalka kajira kuwaasi oo dad badan ku qasbay in dalka ay ka cararaan,raiisul Wasaaraha ayaa ku celceliyay in baahiyo weyn loo qabo taageeroo dhin kasta leh in QM iyo Beesha Caalamka ay ka hesho Soomaaliya.

Comments are closed