|

Nuxurka Kulan ay wada yeesheen Isbahaysigii KULMIYE iyo Xisbiga WADDANI

Hargaysa 03. October 2016 (SDN/QJ):-Siyaasiyiinta Isbaahaysiga Xisbiga KULMIYE ayaa kulan ku daba socda  wadahadalkii u socday iyaga iyo WADANI saaka ku yeeshay  Magaaladda Hargaysa.

Isbahaysiga Kulmiye iyo Waddani

Photo: Kulankii Maanta ee Labada Dhinac

Kulan labada dhinac waxa xagga Xisbiga WADANI hoggaaminaayay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayeen Ku-xigeendiisa iyo Xoghayaha guud, dhinaca Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE ayaa iyaguna ka koobnaa dhammaan Xubnihii ku midoobay Isbaahaysiga kuwaas oo u dhammaa kulanka.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay shirkaas, balse wararka ku dhawdhaw kulankaas ay maanta yeesheen Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE iyo hoggaanka Xisbiga WADANI oo ku xidhiidhsanaa wadahadaladii u socday, waxaa lagu qaada dhigaayay qodobada ugu culus ee gundhiga u noqonaayay heshiis ay wada gaadhaan labada dhinac, iyadoo la filaayo haddii ay isku afgartaan kulankaas inuu gunaanad u noqon doono wadahadalkiii labada dhinac sidaana ay Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE ugu biiridoonaan Xisbiga ugu weyn Mucaaridka Somaliland ee WADANI, taas oo wax weyn ka badali doonta Saxada Siyaasadda Somaliland.

1 Comment for “Nuxurka Kulan ay wada yeesheen Isbahaysigii KULMIYE iyo Xisbiga WADDANI”

Comments are closed