|

Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweynaha JSL iyo Danjire ka socday Dawladda Jarmalka

Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):–Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskisa ku qaabilay Danjire  Markus Bollmohr oo ah safiir ku-xigeenka Dawladda Jarmalka u fadhiya Nairobi, dalka Kenya.

unnamed-66Ugu horayn, Madaxweynaha Somaliland wuxu  uga mahadceliyay Danjiraha doorka mugga leh ee Dawladda Jarmalku ka qaadato mashaariicda ay ka taageerto Somaliland xagga waddooyinka, biyaha iyo dhinacyada kaleba, waxanu Madaxweynuhu  xusay doorka hay’adda Jarmalka ah ee GIZ iyo qaadhaanka dawladda Jarmalku ka gaysato horumarinta waddooyinka sida wadada isku xidha Kalabaydh-Wajaale iyo dayactirka wadada isku xidha Berbera iyo Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland wuxu uga mahadceliyay Dawladda Jarmalka kaalinta ay ka qaadato iyo sida ay mar walba isu garab taagto Somaliland gaar ahaan dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.  Madaxweyne Silaanyo wuxu u sharraxay Danjire Marks go’aanka uu ka qaatay kala qaadista labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxtooyada Somaliland.

“Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taama oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aanu dhaqanka u leenahay kaasoo ah wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aanu annagu leenahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu, Sida ay awalba yeeli jireen, waxannu ku rajo weynahay in bulshada caalamku ay rabitaankayaga nagu tix-gelin doonaan”, Madaxweynaha Somaliland.

Safiir-ku-xigeenka Dawladda Jarmalka u qaabilsan Kenya, Danjire Markus ayaa dhankiisa ku amaanay Somaliland horumarka ballaadhan ee laga sameeyay xagga dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda, waxanu tlmaamay inay muhiimtahay in la tixgeliyo arrinta saami qaybsiga baarlamaanka ee gobollada iyo bulshada Somaliland.

Kulankaas waxa Madaxweynaha JSL ku weheliyay Wasiirka Arrimaha  diebdda JSL Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL  Mudane Adiqani Axmed Goolle iyo Xoghayaha 2aad ee Madaxweynaha Mudane Naasir.

Comments are closed