|

Obama Shirkiisii u dambeeyey iyo Trump Kulankiisii u horreeyey oo ay la kala yeesheen Madax kala duwan

Berlin 20. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Shaqada ka sii tegaya ee Mareykanka Barack Obama oo ku sugan dalka Jarmalka, ayaa Hogaamiyayaasha dalalka Midawga Yurub kala qaybgalay kulan lagaga hadlayo caqabadaha Amniga iyo Dhaqaalaha ee ay wajahayaan dalalka Saaxiibbada ahi.

 

madaxweynaha-maraykanka-iyo-raysal-wasaaraha-jarmalka-2016Kulan Madaxeedka uu Obama la yeelanayo Hoggaamiyeyaasha dalalka Germany, Britain, France, Italy iyo Spain, ayaa sii ballaadhinaya wada-hadalladii uu maalin ka hor la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.

 

Kulanka oo u muuqda kii ugu dambeeyey ee Obama uu la qaato Madaxdan ka hor inta aanu xukunka ka degin 20-ka bisha January 2016, ayaa Obama waxa uu Miiska soo saaray Midnimada iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee Mareykanku uu la leeyahay dalalkaas.

 

Waxa uu Carrabka ku adkeeyey Obama in Mareykanku uu sii wadi doono inuu dunida la macaamilo. Obama ayaa Madaxweynaha beddelaya isaga ee Donald Trump ugu baaqay inuu ka hortago Ruushka, isaga oo sheegay inuu rejeynayo inuu qaato Siyaasad wax ku ool ah oo la mid ah ta uu siddeeddii sannadood ee uu xilka hayey ku soo hoggaaminayey Maraykanka iyo qaabka uu ula macaamili jiray waddamada dunida.

 

madaxweyne-donald-trump-iyo-raiisul-wasaaraha-japan-shinzo-abe-2016Geesta kale, Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, ayaa kulankiisii ugu horreeyey ee uu la yeesho Masuul waddamada dunida mid ka mid ah hoggaamiya, waxa uu shalay la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.

 

Shinzo Abe, ayaa sheegay inuu aamminsan yahay in xidhiidh is-aaminaad leh uu la yeelan karo Madaxweyne Trump, waxaanu kulanka labadan Mas’uul ka dhacay Guriga uu Trump ku leeyahay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Hase-yeeshee, Donald Trump, ayaanse ka qayb-gelin Shir Jaraa’id oo uu qabtay Shinzo Abe, sidoo kalena Waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaan kulankan wax lug ah ku yeelan.

 

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donalnd Trump, ayaa intii uu ku jiray ololihiisii Doorashada, wuxuu Japan iyo dalalka kale ee Qaaradda Aasiya ku yaalla ku boorriyay inay dhaqaale ku bixiyaan Millateriga dalka Mareykanka ee waddamadaas jooga.

 

Diidmadii Donald Trump ee Ganacsiga Trans-Pacific la yidhaahdo ee Aasiya laga qaado ee Maraykanka taga, ayaa aad iyo aad u sii hurisay walaaca waddamada Aasiya ay ka qabaan Hoggaaminta cusub ee Madaxweynaha Mareykanka.

 

Donald Trump oo hadallo adag oo ka dhan ah waddamo badan oo caalamka ku yaalla, awgeed waxaa markii la doortay hoggaamiyahan ay Madaxda Dunida qaarkeed ku tilmaameen Trump, dhibaato cusub oo dunida kusoo korodhay.

Comments are closed