|

Pakistan Qarax Xoogan oo Galaaftay Nolosha Qareeno Tiro Badan Iyo Heerka Khasaaruhu inta uu Gaadhsiisan yahay

Balochistan 08.Aug 2016 (SDN/QJ):- Qarax xooggan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Cisbitaal ku yaalla magaalada Koonfurta Galbeed ee Pakistan ku taalla ee Quetta, halkaasi oo 60 qof ay ku dhinteen, Tiro intaas ka badana uu dhaawac ka soo Gaadhay.

_90708490_411b1766-e480-46fb-b6a0-8085f83ae3cdDadka dhintay badankood ayaa ah garyaqaanno, sida ay sheegayaan warbixinno horudhac ah.

Sarkaal sare oo booliis ah oo lagu magacaabo Zahoor Ahmed Afridi ayaa sheegay in dhowr qof oo booliis ah iyo laba shaqaale saxaafadeed ah ay ku jiraan dadka dhintay.

Qarax ayaa dhacay waxyar un kadib markii tobaneeyo garyaqaanno ah ay isugu soo baxeen isbitalka Quetta ayaga oo ka Cadhaysan dilka guddoomiyaha qareenada oo toogasho lagu dilay Saaka aroortii.

Saraakiisha ayaa sheegaya inay u badan tahay in tirada dhimashada ay intan kasii badato maadaama in badan oo ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada 53-da ruux ee lagu dilay isbitaalka. Sababta weerarka ka dmabeysay ayaan la ogeyn, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda. Wasiirka gobolka Balochistan ayaa durbaba ku eedeeyay India.

Comments are closed