|

Sheeko Qosol Badan Waxa kala qabsaday Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Weriye Saleebaan-Kalshaale!! DAAWO

Hargaysa 08.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayuu Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Weriye Saleebaan-Kalshaale oo Daaddihiya Banraamijka la yidhaahdo Xog-warran oo ah Toddobaadle ka baxa TV-ga Bulsho.

WERIYE-KALSHAALE-IYO-GUDDOOMIYE-FAYSAL-CALI-WARAABE-2016Faysal Cali Waraabe ayaa si diidmo ka muuqato uga jawaabayo badi su’aalaha uu Weriyuhu weydiinayo, isla markaana Weriyaha laftiisa ku tilmaamaya Suxufi liita isagoo ka xanaaqsan su’aalaha uu weydiiyey, isla markaana ku doodaya inaanu waraysiba ka oggolaadeen haddii uu sidan moodayo, isagoo bah-dilaya Weriyaha uu su’aalihiisa qaarkood dhibsaday.

Haddaba, waxa kala qabsaday Eng. Faysal Cali Waraabe oo Waraysigiisu si deggan ku bilaabmayo, balse gadaal ay xaaladdu aad isaga beddelayso iyo Weriye Kalshaale, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa isagoo dhammaystiran Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed