|

Puntland oo ka hortimi in wax laga bedelo Dastuurka Soomaaliya

Garoowe October 25, 2023 (QJ)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda dalka, gaar ahaan Puntland.

Deni ayaa khudbadiisa ku dhaliilay madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka soo horjeestay heshiisyada ay wada gaareen madaxda golaha wadatashiga qaran ee Puntland.

Waxa uu sheegay in Heshiisyadii lagu gaaray Madasha Wadatashiga Qaran ay si cad u muujinayaan sida Madaxda Soomaaliya ay u dhaawacayaan dalka, loogana weecanayo Hannaanka Federaalka ee lagu heshiiyay.

Deni ayaa xusay in isbedel lagu sameeyo Dastuurka oo aan loo marin habraac sax ah ay keeni karto dhibaato weyn. Waxa uu si cad u diiday in la sameeyo jagada Madaxweyne ku xigeenka iyo in la baabiiyo doorkii Ra’iisal Wasaaraha. Waxa kale oo uu si adag uga soo horjeestay fikradda laba xisbi oo keliya, isagoo arrimahaas oo dhan ku tilmaamay kuwo aan dastuuri ahayn oo aan dani ugu jirin shacabka.

“Madasha dib u heshiisiinta qaran ma ahan hay’ad dastuuri ah ama gole loo igmaday in ay wax ka bedelaan masiirka dalka, dalku waa Federaal, oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, mid walbana uu leeyahay awood u gaar ah” ayuu yiri Saciid Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli uu weli jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland, iyadoo Puntland ay qaadacday shirarkii ugu dambeeyay ee Madasha wadatashiga Qaran oo qodobo kala duwan looga hadlay.

Comments are closed