|

Puntland oo sheegtay in Gollaha Baarlamaanka la kala dirayo

Garoowe December 09, 2023 (QJ) -Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ka soo horjeestay muddo kororsi uu sameeyay Golaha Barlamanka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Wareegtada Madaxweynaha ama go’aanka Maxkamadda ay gebi ahaanba kala diri doonto Baarlamaanka hadda jira, lana bilaabi doono soo xulista Xildhibaanada cusub. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hadii Xildhibaanada Baarlamaanka ay diidaan go’aanka lagu kala dirayo, in Xildhibaanada sharciga lala tiigsan doono.

Warka ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku soo aadaya xilli Baarlamaanka Puntland ay cod u qaadeen in muddo hal sano ah lagu kordhiyo, iyadoo tallaabadan ay ka hor imaaneyso wareegtada Madaxweynaha ee ku aadan in doorashada la qabto bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.

Comments are closed