|

Qaabkii Muwaadin Sucuudi ahi Ku Casilay Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Boqortooyada Sucuudiga

Riyadh 24. June 2017 (SDN/QJ):- Dacwad uu soo oogay Muwaadin u dhashay Boqortooyada Sucuudiga ayaa galaafatay wasiirka adeegyada madaniga ah oo xilkii lagaga qaaday loona diray in baadhitaano lagu sameeyo, lana sameeyey Gudiyo arinta loo hayssto la socda.

Dacwada uu soo oogay muwaadin Saad Al-Thuwaini, ayaa keentay in la casilo Wasiirkii Adeegyada rayidka Khalid Bin Cabdalah Al-Faraj, isagoo muwaadinka dhalinayarada ahi markii ugu horaysay qaddiyada musuqmaasuq ee Wasiirku faraha kula jiray la socodkeeda ka bilaabay baraha xidhiidhka bulshada, gaar ahaan barta Tweter-ka, isagoo ka ogaaday Hash-Tak in uu wasiirku inankiisa ku wargelinayey inuu siinayo lacag gaadhaysay 21 kun oo Riyaalka Sucuudiga ah, ka dibna uu dacwadii u bandhigay Hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa.

 

Boqorka Sucuudiga ayaa xilkii ka qaaday wasiirkaasi, isla markaana amray in baadhitaan buuxa lagu sameeyo.

Comments are closed