|

Qaar ka mid ah Askartii Dalka Kenya looga dilay Weerarkii Kulbiyow ee Dalka Soomaaliya oo la soo bandhigay!! DAAWO

Nairobi  31. January 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kaliya sagaal askari ay kaga dhinteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Kulbiyow, hase ahaatee qaar kamid ah saxaafada Kenya ayaa tabineysa in dhimashadu ay gaareyso ilaa 68 askari Kooxda AlShabaab oo weerarkaas qaaday jimcihii lasoo dhaafay ayaa dhankeeda sheegatay in 70 kamid ah ciidamada Kenya ay dileen.

Mid kamid ah Website-yada ugu waa weyn Dalkaasi Kenya ayaa soo daabacay sawirada qaar kamid ah askartii Kenya looga dilay dagaalkii ka dhacay Kulbiyow kuwaas oo meydkooda loo soo qaaday Dalka Kenya si loogu aaso.

Sidoo kaleAskarta la dilay waxaa kamid ahaa Francis Kombo oo kasoo jeeda gobolka xeebta Kenya, halka Kassim Darga oo isna kasoo jeeda deegaanka Madogo, ee koontiga Tana River la dilay.

Dhanka kale Abdulah Aziz oo kamid ahaa saraakiisha KDF-ta ayaa sidoo kale lagu dilay halka George Ndirangu isna uu kamid ahaa askartii ku baxday gacanta AlShabaab.

Si kastaba, AlShabaab ayaa marar badan dhibaato ugeystay ciidamada Kenya iyadoo la aamisan yahay in boqolaal katirsan KDF-ta ay ku maqan yihiin gacanta.

Comments are closed