|

Sida uu u dhacay Weerarkii Kulbiyow iyo Meydadka Askar Kenyan ah oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Muqdisho 31. January 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Al Shabaab ayaa so bandjhigtay sawiro ku aadan sida uu u dhacay Weerarkii maalintii jimcaha ku qaadeen Saldhig Ciidamada Milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada Hoose.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen Deegaanka Kulbiyow waxa ay ku dileen sida ay sheegeen 67-askari oo kattirsanaa Ciidanka Kenya, waxaana weerarkan fuliyay Koox katirsan Al Shabaab oo lagu magacaabo Katiibada Saalix Nabhaan.

Al Shabaab ayaa Warbaahinta afkooda ku hadasha ku baahisay Sawirada sida uu u dhacay Weerarkii Kulbiyow iyo sidoo kale qasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi Ciidanka Milatariga Kena ee xeradaasi ku sugnaa.

Weerarkan ayaa ku bilowday is qarxin waxaana xiligaa kadib weerar toos ah xerada Ciidanka Milatariga Kenya ku qaaday dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab oo si xogan u bubeesnaa iskuna soo abaabulay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale weerarkan ku gubtay kuna qabsatay gadaiid dagaal ay lahaayeen Ciidamada Kenya ee la weeraray, waxa ayna Al Shabaab saacado maamulayeen Xerada Ciidanka Kenya horey u degnaayeen.

Comments are closed