|

Qaar kamid ah Musharaxiintii Madaxweyne oo ku hungoobay in ay kamid noqdaan Xukuumada cusub (Warbixin)

Muqdisho 20. March 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan si rasmi ah loogu dhawaaqo, waxaana golaha Wasiirada kasoo dhax muuqan doona siyaasiyiin horey dalka xilal uga soo qabtay iyo kuwa saaxada siyaasada ku cusub.

Sida aan Wararka ku heleyno qaar badan oo kamid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku hungoobay in ay kasoo dhax muuqdaan xukuumada cusub qeybna ka noqdaan Wasiirada Muhiimka ah .

Musharaxiintan ayaa horey balan qaadyo u heestay rajo weyna ka qabay in ay kamid noqdaan golaha Wasiirada, hasa ahaatee waxaa soo baxaya in Musharaxiintaasi badankood albaabada laga xirtay loona deyriyay.

Intii uu socday ololihii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa isbaheysi sameystay inta badan Musharaxiinta Madaxweyne kuwaa oo ku dhawaqaay in ay yihiin isbadal doon, waxa ayna ku heshiiyeen in codkooda ugu shubaan musharaxii ugu codbata.

Musharaxiinta ayaana ku heshiiyay in kooda guuleesta uusan albaabada ka xiran kana shaqeeyo sidii ay uga mid noqon lahaayeen dowlada cusub, hasa ahaatee damacaasi ayaa hada u muuqda mid fashilmay oo musharaxiin badan albaabada laga xirtay.

Qaar kamid ah Mushraxiintii u taagnaa xilka Madaxaweynaha Soomaaliya ayaa horey loo ogaa in ujeedkoodu uusan aheyn in dalka Madaxweyne ka noqdana balse ay ku doonayeen mansab siyaasadeed iyo sidii ay boos uga heli lahaayeen golaha Wasiirada iyo Hay’adaha kale ee dowlada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa cadaadis kala kulmaya Musharaxiinta Madaxweyne kuwaa oo midkasta oo kamid ah uu doonayo in uu kasoo dhax muuqdo golaha Wasiirada , hasa ahaatee R/Wasaaraha ayaa qaatay go’aan kale uu ku dooranayo cida isag la shaqeyn karta .

Waxaa laga cabsi qabaa in koox mucaard ah isku badalaan Musharaxiintii laga guuleestay ee ku hungoobay in ay boosas ka helaan dowlada cusub, waxaana la sheegay in Muqdisho ku leeyihiin shirar ay aayahooda uga tashanayaan Musharaxiinta qaarkood .

Comments are closed