|

Qaraar Kasoo Baxay Baarlamanka Yurub Oo Digniin Kulul Loogu Jeediyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Oo Sida Lagu Sheegay Warbixintan Ku Kacay Xadgudubyo Badan

Djibouti 03.Sep 2016 (SDN/QJ):-Baarlamaanka Midawga Yurub, Iyada oo la eegayo  qaraaradii hore ee aanu ka soo saaray Wadanka Djibouti, siiba kuwii soo baxay July 2013-kii  ee ku saabsanaa xaalada Djibouti iyo  15/1/2009-kii   ee ku saabsanaa xaaladda Geeska Africa.

baarlamanka Midowga YurubIyada oo la eegayo wada shaqeynta  siyaasadeed e ka dhaxeysa Midawga Yurub iyo Gobolka Geeska Africa ee ku salaysan Amniga, xasiloonida  iyo horumarinta geeska Africa.

Iyadoo la eegayo qaraaro iyo arrimo kale oo aan halkan lagu soo koobi kareyn—–

  1. Anagoo tixgelinayna doorashadii madaxweynenimo 1999-kii loogu doortay  Ismaciil Cumar Geelle inuu yahay Madaxweynaha Dawlada Djibouti, iyo doorashaadii dhacday bishii April 2016-kii ee natiijadii ka soo baxday ay aadka u diideen Xisbiyadii mucaaradka ahaa iyo Ururadii xaquuqul Insaanka kuna tilmaameen natiijadaasi mid si xad dhaafa ah loogu shubtay iyadoo  cududa dawladda uu Isticmaalayo Ismacil Cumar Geelle, natiijadaasi oo lagu sheegay inuu ku guuleystay 87.1%.  Iyadoo ay sidoo kale jirtay qaadacaad musharaxiin mucaarid ihi qaadaceen inay ka qeyb-galaan dooroshooyinkii 2005-tii, 2011-kii, iyo 2016-kii.  Iyadoo Madaxweyne Geelle uu ku kellifay golihiisa baarlamaanka  sanadkii 2010-kii inay bedelaan dastuurkii markaa jiray kaasi oo diidayay in madaxweynuhu aanu mar sadexaad isasoo sharixi kareyn markaasoo ay baarlamaankiina wax ka bedel ku sameeyeen Dastuurkii si Madaxweyne Geelle uu mar sadexaad iyo mar afraad isu soo sharixi karo. Waxa uu Ismaciil Cumar Geelle ballan qaaday markii uu isa sharaxayey 2011-kii markii sadexaad inaanu mar afraad isa soo sharixi doonin doorashada 2016-ka,taasoo markii dambe la ogaa inuu yidhi mar afraad ayaan musharax ahay iyadoo arrintaaasina dadweyne badan oo reer Djibuti ihi ka horyimaadeen arintaasi iyagoo mudahaaraad salmi ah ku jirana la xassuqay.
  2. Anagoo tixgelinayna inaan la soo cassuumin wufuud ka socota Midawga Yurub oo kormeera doorashooyinka Djibouti, markii loo soo jeediyay inay kormeerayaashaasi yimaaadaan Jibuutina, dawlada Djibouti way ku gacan seydhay.

E    Anagoo tixgelinayna, cabashadii doorashadii 2016-ka ka timi sadex-dii  musharax ee mucaaradka ee  kala ah Cumar Cilmi Khyre, Maxamed Muse Cali  iyo Jaamac Cabdirahman Jaamac ay ku tilmaameen inay ahayd doorasho si xaqdaro ah loogu shubtay oo aad xaqiiqada uga fog isla markaana aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka reer Jibuuti,taasoo isla markaana ay ku gacanseydheen ururadii Xaquuqul Insaanku Natiijadaa iyada ah ee la shaaciyay. Iyadoo wixii intaa ka dambeeyay aad loo xadidaya  dhaqdhaqaaqa Siyaasiyiinta mucaaradka ah isla markaana Hay adaha Amniga iyo sirdoonku ay cadaadis aad u daran saareen Waddanka isla markaana  Hay adihii garsoorkana la daciifiyay awoodoodii.

F    Anagoo tix-gelinayna  dhacdadadii 31-kii December 2015 ee xubnihii mucaaradka u matelayay Xisbiyada mucaaradka Baarlamaanka lagaga saaray, isla markaaana ,Madaxweyne Geele uu wadanka ku soo rogay xeerka xukunka  Xaaladda deg-dega ah si loo yareeyo xoriyadda shaqsiga looguna caga jugleeyo taageerayaasha mucaaridka iyo ururada xuquuqul insaanka.

  1. Anagoo tixgelinayna, dhacdadii 2012-kii ee ahayd in meesha la yidhaa Mabla’lagu qabqabtay dad aan waxba geysan iyadoo lagu eedaynayo inay ka mid yihiin Jabhaddii FRUD ee hubaysnayd,cadayn iyo xeer loo cuskadayna aanay jirin.
  2. Anagoo tix-gelinayna, warka sheegaya in ugu yaraan ay 27 qof lagu dilay 150 qof oo kalena lagudhaawacay 21/12/2015, kaddib markii iyagoo jooga goob ay ku dhiganayeen Xuskii Mawluudi Nebiga (S.C.W) oo ku taalla Buldhuqo ( Bel-bela) uu ciidanka Djibouti ku soo dhexdhacay kadibna rasaasna ay ku furay dadkii xuska joogay tiradaa kor ku xusanna ka dhigay kuwo ay laayaan iyo kuwo ay dhaawacaan; Isla markaana waxa iyana isla taariikhdaa dhacday inay ciidankaasi u daateen guri ay ku shirayeen madaxda Mucaridku, iyagoo laba ka mid ah midna ay dhaawaceen midna Jeel-ka dhigeen iyagoo wax dambi ah oo ay galeen aanay jirin kii dhaawacmayna, kadib markii uu Cisbitaalka ka soo baxayna isna la xidhay. Waxa la soo daayay iyaga iyo nin kale oo la yidhaa Cumar Cali Ciwaado,ooka madax ahaa urur Xaquuqul Insaanka ka shaqeeya, iyagoo wax dembi ah aan lagu soo oogin bil ka hor doorashadii dhowaan dhacday April 2016, waxa la kala yidhaa labadaa nine e ka tirsnaa xisbiyada mucaaradka ee la soo daayay :-Cabdirahmaan Mohamed Geelle, iyo Xaamud Cabdi Suldaan.
  3. Anagoo tixgelinayna dhibka ka jira Jeelasha Djibouti oo sida la sheegayo xaaladooda nololeed ay aad u liidato.
  4. Anagoo tixgelinayna, Warbixinta uu Baanka Adduunku ( World Bank ) soo saaray ee sheegeysay in 23%  dadweynaha reer Jibuuti ku nool yihiin heerka saboolnimada ka hooseysa, iyadoo 74% dadka reer Jibuuti ku nool yihiin wax ka yar Sadex dollar maalintii.
  5. Anagoo tixgelinayna, inay ilaalinta Xuquuqul Insaanku tahay lafdhabarta dimoqraadiyadda iyo dawladda wanaagsan ee sharciga ku dhaqanta, arintaas oo saldhig u ah xidhiidhka kadhaxeeya Wadamada ACP iyo EU.
  6. Waxaanu cadaynaynaa walaaca aanu ka qabno ku soo dabaaliddii dimoqraadiyadda ee Djibuuti inay aad u liidato, dhibka ugu weynina wuxuu yahay bedelaaddii lagu sameeyay Dastuurka gaar ahaan Qodobkii qayaxayeh Xilliga Madaxtinimada ee ahaa laba xilli oo min Affar sano ah inuu madaxweynuhu heyn karo kursiga madaxweynenimo, kaasoo madxweynuhu uu gebigiisiiba uu si kale u dhigay. Waxa intaa dheer in Muraaqiibintii Xisbiyadii mucaaaradka ahaa u fadhiyay goobihii codeynta handadaad lagu sameeyay qaarkoodna banaanka looga saaray meelo badan.
  7. Imakana waxaa loo baahanyahay baadhitaan madaxbanaan oo lagu sameeyo dhibaatooyinkaa dhacay xilligii doorashada April 2016; kani waa baaq la mid ah ku hore oo aanu idiin soo gaadhsiinay oo aannu sidan oo kale kaga hadleyney war isdaba marin baahsan iyo cabashada weyn ee laga muujiyay doorashooyinkaas.
  8. Waxaanu ka soo horjeednaa faragelinta ay ciidamada Djibuti, ( boliska iyo milateriguba ) ku sameynayaan habsami u socodka Dimoqraadiyadda; waxana la yaab noqoneysa Dabbaaldegga deg-dega ah ee uu Madaxweynuhu u damaashaaday Guul ku sheega Doorashada 2016-ka; Waxa xusid mudan in qodobka 16-aad ee Dastuurka Djibuti uu dhigayo “ Inaaan qofna lagu sameyn Karin jidh dil iyo dhaawac shaqsiyadiisa iyo sharaftiisa midnaba.
  9. Waxaanu ka xunahay go aankii ay Dawladu ay ku horjoogsatay in doorashada ay kormeeraan goob-joogayaal madaxbannaan, taasoo Dawladdu 2014-kii ay saxeexday heshiis ay la gashay Xisbiyadii mucaaradka kaasoo dhigayay in doorashada 2016 ay kormeerayaal madaxbanaani ka soo qeyb galaan.
  10. Waxaanu xasuusinaynaa inay dawladdu marar hore balanqaaday inay ilaalinayso xuquuqda weriyeyaasha, taasoo aan dhicin.
  11. Waxaanu cambaareyneynaa jirintaan la’ aanta aanay jirin   Djibouti  Saxaafad madax-bannaani; iyo  Faaf-reebka joogtada ah ee lagu sameeyo Internet-ka warbixinada laga qoro Djibuti.
  12. Waxaanu aad uga murugooneynaa Dhimashada iyo dhaawaca loo geystay Dadkii aan waxba geysan, December 2015-kii.
  13. Waxa la idinka doonayaa in la ilaaliyo xuquuqda ururada Xuquuqul-Insaanka.
  14. Waxa la idiinka baahanayahay, in kor loo qaado tayada aqooneed ee ciidamada Boliiska iyo hay’adaha amaanka si ay u ilaaliyaan xeerarka wadanka u yaalla.
  15. Waxanu idin faraynaa in raga iyo dumarku ay u sinaadaan shuruucda dalka oo aan midkoodna ka kale ku duudsiyin xuquuqdiisa.
  16. Waxaanu idinku baaqaynaa in Hay’adaha madaxabanaan ( NGOs) ee ka shaqeeya horumarinta arrimaha bulshada aad u ogolaataan inay tagi karaan Obokh, Tojora iyo Dikhil.
  17. Waxaanu idiinku baaqaynaa inaan maamulada degmooyinka iyo ciidamada amaanku aanay awoodda Dawladda si xaqdarro aanay ugu adeegsan dadka shacabka ah khaasatan deegaanada waqooyiga.
  18. Waxaanu idinla socodsiinaynaa in aannu ( E U ) si dhaw ula socon doonno arrimaha Djibuti,,,haddii aad tixgelinweydaan heshiiskii COTONOU,,sanadkii 2000.
  19. Waxaanu gudbinta Qaraarkan u xil saaray madaxweynaha, ( Ismail Omar Geelle) inuu u gudbiyo hay’adaha kala duwan ee Dawladiisa.

GUJI OO HALKAN KA DAALAC

Comments are closed