|

Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Gaalkacyo (QJ/SDN) – Ugu yaraan lix ruux oo uu ku jiro mas’uul maamulka Puntland ka tirsanaa ayaa ku dhintay qarax Ismiidamin ah oo saaka ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah.

GAALKACYO

Qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xidhay ayaa ka dhacay inta u dhexeysa hoteellada Capital iyo Uun-laaye oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo, Xarakada Al-shabaab ayaana sheegatay masuuliyada weerarkan.

 

Mas’uulka ka tirsan maamulka Puntland ee ku Geeriyooday Qaraxan ayaa ahaa; Wakiilkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug, Siciid Cali Yuusuf (Gaaddo-yare), inkastoo maamulka Puntland uusan weli ka hadlin geeridiisa.

 

Sidoo kale, Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu Horreeyay noociisa oo Sannadkan ka dhaca Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo Puntland ay ka taliso, waxaana goobta uu ka dhacay ku sugan ciidammo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.

Comments are closed